8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 7 , 2025
Nin Soomaali oo lagu xukumay 28 sano oo xabsi ah kiiska Feeding Our Future
 

Khamiis, Agoosto 7, 2025 (HOL) - Maxkamad federaal ah oo ku taalla magaalada Minneapolis ayaa xukun 28 sano ah ku riday Abdiaziz Farah, oo ahaa mid ka mid ah eedeysanayaasha ugu weyn ee kiiska musuqmaasuqa baahsan ee la xiriira barnaamijka raashiin qeybin ee Feeding Our Future.

Abdiaziz Farah ayaa lagu helay 23 dacwadood oo ay ka mid yihiin xatooyo, lacag maydhis, iyo laaluush lagu bixiyay barnaamijyo federaal ah, lacagtuna waxay gaareysay in ka badan $40 milyan, sida ay sheegtay maxkamaddu.

Garsoore Nancy Brasel ayaa sheegtay inaysan jirin sabab cad oo lagu micneyn karo ficillada Farah marka laga reebo "hunguri aan xad lahayn." Dacwad-oogayaasha ayaa tilmaamay in Farah uu ka mid ahaa hormuudka tuugo musuqday lacag gaareysa $300 milyan, taasoo ahayd mid loogu talagalay in lagu caawiyo carruurta danyarta ah ee uu saameeyay cudurka COVID-19.

Farah, oo lagu eedeeyay inuu lacago badan u diray Kenya iyo meelo kale, ayaa sidoo kale qirtay inuu isku dayay inuu laaluusho xubin ka tirsan gudiga garsoorayaasha intii lagu guda jiray dhageysiga dacwadiisa.

Kiiskan ayaa ka mid noqday fadeexadaha dhaqaale ee ugu waaweyn ee abid ka dhacda gobolka Minnesota.

Mas’uuliyiinta xeer-ilaalinta ayaa sheegay in xukunkan uu u sahli doono dowladda federaalka inay hantida Farah la wareegto si dib loogu celiyo shacabka laga xaday.