8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 8 , 2025
Diyaarad u socotay Somaliland oo ku burburtay duleedka Nayroobi
 

Jimco, Agoosto 8, 2025 (HOL) - Lix qof ayaa ku dhintay kadib markii diyaarad caafimaad oo ay leedahay hay’adda samafalka ee Amref Flying Doctors ay ku burburtay meel u dhow caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi, sida uu sheegay mas’uul sare oo dowladda Kenya ka tirsan.

Diyaaradda oo ahayd nooca fudud ee Cessna ka ayaa ka duushay garoonka Wilson fiidnimadii Khamiista, iyadoo kusii jeeday magaalada Hargeysa ee Somaliland. Saddex daqiiqo kadib duulimaadka, waxay lumisay xidhiidhka raadiyaha iyo raadaarka, waxayna si lama filaan ah ugu dhacday guri ku yaalla xaafadda Githurai ee deegaanka Ruiru, gobolka Kiambu.

Taliyaha gobolka Kiambu, Henry Wafula, ayaa xaqiijiyay in afar qof oo saarnaa diyaaradda – oo ay ka mid yihiin dhakhaatiir, kalkaaliyayaal iyo duuliyihii – ay halkaa ku dhinteen. Waxa kale oo shilkaas ku dhintay laba qof oo dhulka joogay, halka laba kale si xun ugu dhaawacmeen.

Hawlgallo badbaado iyo raad-raac ah ayaa laga bilaabay goobta shilka iyadoo ay si wadajir ah uga qayb qaadanayaan ciidamada difaaca Kenya (KDF), booliska qaranka Kenya, iyo hay’adaha gargaarka degdegga ah.

Afhayeen u hadlay Hay’adda Duulista Hawada ee Kenya (KCAA) ayaa sheegay in diyaaraddu ayna wax xidhiidh ah la samayn xafiiska hagidda duulimaadyada laga bilaabo daqiiqaddii saddexaad ee duulimaadka, taasoo muujinaysa in cilad degdeg ahi dhacday.

Stephen Gitau, oo ah madaxa guud ee Amref Flying Doctors, ayaa sheegay in hay’addu si buuxda ula shaqaynayso hay’adaha duulista iyo kooxaha gurmadka si loo ogaado sababta rasmiga ah ee shilkan foosha xun.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ay maqleen qarax weyn iyo iftiin guduudan oo cirka maray, iyagoo markaa kadib arkay qiiq madow iyo dad qaylinaya oo goobta ka cararaya.

Patricia Kombo, oo ah mid ka mid ah dadka deegaanka, ayaa BBC-da u sheegtay in ay saaxiibadeed la saarneyd gaadhi marayay wadada xaafadda Githurai markii ay maqleen daryaanka. “Waxaan arkay iftiin weyn, markaan telefoonka kor u qaaday si aan u duubo, waa uu istaagay, qiiq ayuu is badalay, dad ayaa qeylinayay,” ayay tidhi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in afar shaqaale oo ka tirsanaa Kenya Pipeline Company ay dhinteen shil kale oo ka dhacay meel u dhow magaalada Naivasha, halkaas oo tareen iyo bas shaqaale qaadayay ay isku dhaceen. Shaqaale kale oo dhaawacmayna waxa loola cararay isbitaalka.

Shilkan diyaaradeed ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xidhiidhka ammaanka hawada ee Kenya, iyadoo horay loo diiwaan geliyay dhowr shilal duulimaad sanadkan gudihiisa.

Baadhayaal khaas ah ayaa hadda ku sugan goobta shilka si ay u bilaabaan baadhitaan rasmi ah, iyadoo la filayo in natiijadooda la shaaciyo toddobaadyada soo socda.