8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 8 , 2025
Shirkad latalin oo laga leeyahay Mareykanka oo soo jeedisay in Shacabka Gaza loo raro Soomaaliya iyo Somaliland
 

Jimco, Agoosto 8, 2025 (HOL) - Warbixin cusub oo ay daabacday Financial Times ayaa sheegaysa in shirkadda caalamiga ah ee la-talinta ah ee Boston Consulting Group (BCG) ay diyaarisay qorshe muran badan dhaliyay oo lagu eegayo suurtagalnimada in dadka Gaza qaarkood loo raro meelo ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Somaliland.

Warbixinta ayaa sheegtay in qorshahan uu ahaa mid ay shirkaddu u diyaarisay koox ganacsato Israa’iiliyiin ah kuwaas oo doonayay in ay horumariyaan qorshayaal dib-u-dhis ah oo Gaza lagu sameeyo kadib marka uu joogsado dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Qorshahan, oo ku jiray bandhig ay BCG samaysay, ayaa saadaaliyay in ilaa 25% dadka Gaza ay u badan tahay inay doonayaan in ay si ku-meel-gaar ah uga guuraan Gaza, iyaga oo aan jeclayn inay dib ugu soo laabtaan.

Mid kamid ah ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay The Times in: “Haddii ay jiraan dad reer Gaza ah oo si ku-meel-gaar ah, iskood ah u guuraya, waddanka martida loo yahay wuxuu heli karaa dad wax soo saar leh oo dhaqaale u kordhin kara.”

Waxaa sidoo kale la sheegay in BCG ay door muhiim ah ku leedahay "Hay’adda Samafalka Gaza" oo ah urur taageero ka helaya Mareykanka iyo Israa’iil, isla markaana maamula qaybinta gargaarka bini’aadantinimo ee gudaha Gaza u xilsaran taas oo iyaduna dhalisay dood iyo dhaleeceyn badan.