8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 8 , 2025
Madaxweynaha KMG ah ee Koonfurta Yemen iyo Safiirka Soomaaliya ee Yemen oo kawada hadlay xoojinta ammaanka badda Cas
 

Jimco, Agoosto 8, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta Yemen, ahna Madaxweyne ku xigeenka Golaha Hogaaminta Qaranka, Caidarus Az-Zubaidi, ayaa ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada ee Maashiq, magaalada Caden, Safiirka Soomaaliya ee Yemen Cabdulxakiin Maxamed Axmed.

Kulanka ayaa lagu lafaguray xiriirka walaaltinimo iyo taariikheed ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Yemen, iyadoo labada mas’uul ay muujiyeen sida ay muhiim u tahay in la xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan marka la eego caqabadaha amni iyo siyaasadeed ee ka jira gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Madaxweyne Az-Zubaidi ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada la xiriira amniga badda, ilaalinta marinada caalamiga ah ee maraakiibta, la dagaallanka burcad-badeeda, iyo joojinta tahriibka sharci darrada ah ee sii kordhaya, si loo xaqiijiyo xasilloonida badda Carbeed, Badda Cas iyo gacanka Cadan.

Sidoo kale, Madaxweyne Az-Zubaidi wuxuu digniin ka bixiyay khatarta isa-sii-taraysa ee ka imaanaysa is-kaashiga u dhexeeya kooxaha xagjirka ah sida Xuutiyiinta ay taageerto Iran, Al-Shabaab ee Soomaaliya, iyo Al-Qaacida, kuwaas oo uu sheegay inay doonayaan inay wiiqaan amniga gobolka.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray arrimaha socdaalka sharci darrada ah iyo tahriibka muhaajiriinta ka imanaya dalalka Geeska Afrika, iyada oo Madaxweyne Az-Zubaidi uu ka tacsiyeeyay shilkii naxdinta lahaa ee ka dhacay xeebaha gobolka Abyan, halkaasoo doon siday muhaajiriin Afrikaan ah ay ku degtay.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay baahida loo qabo in si degdeg ah xal loogu helo dhibaatada qaxootiga, si loo yareeyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo.

Dhiniciisa, Safiirka Soomaaliya Cabdulxakiin Maxamed Axmed, ayaa uga mahadceliyay Yemen mowqifyadeeda walaaltinimo, wuxuuna sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in la xoojiyo xiriirka labada dal, gaar ahaan dhanka amniga, si loo helo mustaqbal deggan oo nabdoon.