Jimco, Agoosto 8, 2025 (HOL) - Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya hay’adaha amniga oo garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay 189 Kartoon oo la sheegay in lagu soo qariyay Daroogo noocyo kala duwan ah.
Daroogadan lagu qabtay gudaha garoonka Aadan Cadde ayaa la tilmaamay iney isugu jirto kaniiniyaal isticmaalkooda ka reeban yahay gudaha dalka Soomaaliya,kuwaas oo la doonayay in si qarsoodi ah dalka lasoo galiyo.
Warsaxafadeed kasoo baxay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa lagu sheegay in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay daroogo iyo kiniiniyo isticmaal iyo ganacsi ahaanba mamnuuc u ah oo si sharci darro ah lagu soo gelinayay dalka.
"Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu ku wargelinayaa shacabka Soomaaliyeed in hawlgal wadajir ah oo uu la kaashaday hay’adaha ammaanka lagu qabtay 189 baakadood (box) oo daroogo ah iyo kiniiniyo ka reeban isticmaal iyo ganacsiba oo si sharci darro ah lagu soo gelinayay dalka" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
Warsaxaafadeedka waxaa sidoo kale lagu sheegay in xafiisku uu wado baaritaano ku aaddan shabakadaha ku lugta leh soo gelinta daroogadan, islamarkaana la horkeeni doono caddaaladda.
Ugu dambeyntii warsaxaafadeedka laguma sheegin goorta la qabtay daroogadan iyo waliba dalka laga keenay iyo hadii ay jirto dad loo hayo falkaan, marka laga soo tago in baaritaan uu socdo.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:- 