Jimco, Agoosto 8, 2025 (HOL) - Xukuumadda Israa’iil ayaa ansixisay qorshe uu soo jeediyay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, oo ah in ciidanka Israa’iil ay si buuxda ula wareegaan magaalada Qasa – taas oo ku taalla waqooyiga dhulka Falastiiniyiinta ee go’doonsan.
War kasoo baxay xafiiska Netanyahu ayaa lagu sheegay in “ciidamada Israa’iil ay isu diyaarinayaan in ay la wareegaan magaalada Qasa, iyagoo dhanka kale ku bixinaya gargaar bini’aadanimo meelaha ka baxsan goobaha dagaalka.” Si kastaba ha ahaatee, qorshahan cusub wali si buuxda looma horkeenin golaha wasiirada ee Israa’iil, kuwaas oo la filayo in ay kulmaan Axadda.
Qabsashada magaalada Qasa waxay noqonaysaa tallaabo cusub oo xasaasi ah oo Israa’iil qaadayso, taas oo laga filayo in ay sababi doonto in tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah oo horey ula daaladhacayay gaajo iyo nafaqo-darro ay markale ku qasbanaadaan barakac iyo nolol la’aan, iyadoo gargaar bini’aadanimada laga horjoogsaday in uu galo Qasa.
Wariye Barak Ravid oo ka tirsan warbaahinta Axios ayaa soo xigtay sarkaal Israa’iili ah oo sheegay in howlgalka cusub uu ka dhigan yahay in “dhammaan shacabka Falastiiniyiinta laga saaro magaalada Qasa looguna raro xeryaha ku yaalla badhtamaha dhulkaas, ugu dambayn 7-da Oktoobar.”
Sida lagu sheegay warbixinta, magaalada Qasa waxaa markaa la saari doonaa go’doon adag oo lagu beegsanayo dagaalyahannada Xamaas ee halkaas ku hadhay, iyadoo ay sidoo kale dhici doonto duullaan dhulka ah oo baaxad weyn leh.
Ra’iisul Wasaare Netanyahu oo Khamiistii la hadlayay warbaahinta Mareykanka ee Fox News ayaa sheegay in Israa’iil “ay doonayso in ay la wareegto gacan ku haynta dhulka magaalada Qasa.” Balse wuxuu intaas ku daray in Israa’iil ayna rabin in ay maamusho Qasa, balse ay rabto oo keliya “xayndaab amni”. “Annagu ma doonayno in aanu maamulno Qasa, waxaannu doonaynaa inaanu helno xuduud amniyeed,” ayuu yidhi Netanyahu.
Sida laga soo xigtay weriyaha Al Jazeera ee fadhigiisu yahay Washington, Shihab Rattansi, qorshaha Israa’iil ee lagu qabsanayo Qasa wuxuu ahaa mid la dareemayay toddobaadyadii u dambeeyay, isagoo intaas raaciyay in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump “uu u oggol yahay Netanyahu in uu sameeyo wixii uu doono.”
Ilaa hadda lama oga tirada dadka wali ku sugan magaalada Qasa – taasoo ahayd magaalada ugu dadka badan dhulka Falastiiniyiinta – ka hor intii aan dagaalku qarxin bishii Oktoobar 2023. Boqolaal kun oo qof ayaa horey uga barakacay magaalada markii Israa’iil ku amartay in ay ka baxaan, hase yeeshee qaar badan ayaa ku soo laabtay intii ay socotay xabbad-joojintii koobanayd horraantii sanadkan.
Haddii uu bilaabmo howlgal dhulka ah oo baaxad leh, waxa uu markale sababi doonaa barakac ballaadhan iyo carqalad hor leh oo hor istaagta gaadhsiinta cuntada, iyadoo dadka u dhintay gaajo iyo nafaqo-darro ay hadda gaadheen ku dhawaad 200 oo ruux.
“Waxba kama hadhin magaalada,” ayay tidhi Maysaa al-Heila oo ah haweeney ku sugan Qasa, markii ay maqashay warkan cusub. “Ma jiro Qasa la qabsanayo,” ayay mar kale u sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press.