Jimco, Agoosto 8, 2025 (HOL) - Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa galabta si buuxda ula wareegay magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire, kadib dagaal culus oo socday muddo toddobaad ah.
Howlgalka oo si taxaddar leh loo fuliyey ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo muddo dheer ku sugnaa magaalada iyo deegaannada ku hareeraysan.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada, in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgalka, waxaana sidoo kale la qabtay tiro kale oo maxaabiis ah.
Ciidamada CXD iyo AUSSOM ayaa haatan ka wada magaalada iyo tuulooyinka ku dhow hawlgallo nadiifin ah, si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaanka, Intii uu socday howlgalka, waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay hub iyo saanad ciidan oo farabadan oo ay kooxdaasi ka tagtay sida ay xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa bogaadisay geesinnimada iyo dadaalka ay muujiyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamka, gaar ahaan AUSSOM.
War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in ay jiri doonaan faahfaahin dheeraad ah marka lasoo gabagabeeyo ururinta xogta dagaalka.
"Howlgalkan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada socda ee lagu ciribtirayo argagixisada ujeedkiisu yahay in la xaqiijiyo xasilloonida iyo amniga shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda.
Magaalada Bariire ayaa ka mid ah meelaha ugu istiraatiijisan gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana muddo dheer u ahayd Al-Shabaab saldhig istiraatiiji ah, La wareegidda magaaladaasi waxay dhabar-jab weyn ku tahay kooxda Al-Shabaab, waxayna fure u noqon kartaa howlgallada xiga ee ciidamada.