8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 8 , 2025
Madaxweynaha Puntland oo Sagootiyey Taliyaha Hawlgalada Gaarka ah ee Mareykanka ee Bariga Afrika
 

Jimco, Agoosto 8, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u sagootiyey Taliyaha Hawlgalada Gaarka ah ee Mareykanka ee Bariga Afrika, Colonel ED Norris, oo dhamaystay muddo xileedkiisii shaqo. Isla markaana, Madaxweynaha ayaa si diirran u soo dhoweeyay Taliyaha cusub, Colonel Benander, oo beddelaya Colonel Norris.

Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyey Colonel Norris doorkii muhiimka ahaa ee uu ka qaatay taageerada howlgalka lagula dagaalamayo argagixisada, gaar ahaan hawlgalka ka socda buuraleyda Calmiskaad, wuxuuna xusay sida Mareykanku hormuud  muhiim ah ugu ahaa nabadgelyada Puntland.

Intii uu kulanku socday, Denj wuxuu hadiyad dhaqameed ku maamuusay Colonel Norris, halka Colonel Norris isna uu Puntland ugu wareejiyey fooqa-gantaal xusuus ah oo ka mid ahaa kuwii Mareykanku u adeegsaday ciribtirka kooxaha argagixisada ee laga saaray deegaanka Alleelo-yar.

Taliye Norris wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyey Agaasimaha Guud ee PMPF, General Cabdul Rabi Cabdisamed, iyo saraakiishii kale ee ciidamada Puntland ee si dhow ula shaqeeyey xilligii uu xilka hayey.

Madaxweynaha Puntland wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in xiriirka Puntland iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada, uu sii xoogeysan doono xilligga Taliye Benander.