8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 9 , 2025
Xildhibaano Mooshin Kalsooni Kala-Noqosho ah ka Wada Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre
 

Sabti, Agoosto 9, 2025 (HOL) - Xildhibaan Cabdi Ladiif Muuse Nuur (Sanyare), oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa xaqiijiyay in mooshin kalsooni kala-noqosho ah laga diyaarinayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in mooshinka loo qorsheeyay in la keeno Golaha Shacabka maalinta Sabtida ah ee taariikhdu tahay 23ka Agoosto 2025, haddii Alle idmo.

Sida uu sheegay, waxaa mooshinka horey u saxiixay illaa 120 xildhibaan, halka ay hadda ka dhiman yihiin 20 saxiix oo kaliya si mooshinka si rasmi ah loo horgeeyo Baarlamaanka.

Xildhibaan Sanyare ayaa xusay in xildhibaan kasta oo doonaya inuu mooshinka ku biiro ama "cibaadaysto" sida uu hadalkiisa u dhigay, uu si toos ah ula soo xiriiri karo.

"Mooshinka kalsooni kala-noqoshada Xukuumada Xamse Cabdi Bare, ee lakeeni doono maalinta sabtida ah 23 Augast insha allaah, waxaa saxiixay xildhibaabano gaaraya 120 mudane, wali waxaa naga dhiman 20 mudane, xildhibaankii raba inuu cibaadaysto aniga ha ilasoo xiriiro." Ayuu qoraalkiisa kuyiri Sanyare.

Inkasta oo uusan si toos ah u sheegin sababta rasmiga ah ee mooshinka keentay, haddana wararka la xiriira arrintan ayaa muujinaya in ay jiraan walaacyo siyaasadeed iyo khilaafyo gudaha Golaha Shacabka ah oo la xiriira hab-maamulka Xukuumadda iyo waxqabadka Ra’iisul Wasaaraha.

Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka, Mooshinada noocan oo kale ah ayaa horey uga dhacay Soomaaliya, waxaana ay qeyb ka yihiin nidaamka dimoqraadiyadda baarlamaaniga ah ee dalka. 

Si kastaba ha ahaatee, mooshin kasta oo la keeno wuxuu maraa habraacyo sharci ah oo ku xusan dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka.