Sabti, Agoosto 9, 2025 (HOL) - Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa khasaare weyn kala kulmay howlgalkii lagu qaaday degmada Bariire oo dib gacanta dowladda ugu soo laabatay maalintii Jimcaha ahayd.
Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 17 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda (UPDF) ay ku dhinteen howlgalka, waxaana ku jiray lix askari oo toddobaadkan ku geeriyooday qarax gaari (VBIED) oo lala beegsaday kolonyadooda.
Si kastaba ha ahaatee, ciidamada ayaa guulo dhanka dagaalka ah gaaray iyaga oo gacanta ku dhigay afar ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab intii lagu guda jiray wejigii ugu dambeeyay ee qabsashada Bariire.
Qabsashada Barire waxaa ka horeeyay la wareegista tuulooyinka Sabiid iyo Caanole.
Tallaabada xigta ayaa noqoneysa Awdheegle oo ah magaalo istiraatiiji ah, Saraakiisha milateriga ayaa sheegay in qabsashada Awdheegle ay noqon doonto howlgalkii ugu adkaa ilaa hadda.
Haddii Awdheegle la qabsado, waxay taasi noqon doontaa guul weyn, maadaama ay dowladda dib ula wareegi doonto dhammaan shanta buundo ee muhiimka ah ee gobolkaas, Sidoo kale, waxay Al-Shabaab ku khasbi doontaa in ay dib ugu gurtaan waqooyiga webiga Shabelle.