8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 9 , 2025
Mareykanka oo xaddidi kara maalgelinta hawlgallada nabad-ilaalinta Soomaaliya
 

Sabti, Agoosto 9, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare ee Mareykanka, Sen. Jim Risch, ayaa soo jeediyay in la xaddido maalgelinta Mareykanka ee Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Soo jeedintan ayaa mamnuucaysa in Mareykanku bixiyo lacagaha qiimeysan ee uu u maro Qaramada Midoobay si loogu taageero AUSSOM, ilaa iyo inta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanku ay caddeyso in hawlgalku u hoggaansamayo shuruudo adag oo uu dejiyay Washington. 

Shuruudahaas waxaa ka mid ah in AUSSOM uusan taageereynin qiyam ka soo horjeeda dimuqraadiyadda, qiyamka Mareykanka, ama xuquuqda aadanaha.

Senator Risch, oo ay garab socdaan Senator Ted Cruz iyo Rick Scott, ayaa ku dooday in Midowga Afrika uusan buuxin shuruudaha iyo habraacyada maalgelinta ee ay Mareykanku ka dalbadeen, taas oo ay sheegeen inay muujinayso dayac iyo in aan lagu tixgelin lacagta canshuur bixiyayaasha Mareykanka. Waxay sidoo kale soo jeediyeen in la raadiyo qaab maalgelin kale oo ay dowladaha Afrikaanka ah ka qaadaan mas’uuliyad dheeraad ah.

Hawlgalka AUSSOM, oo hore loogu yaqaanay ATMIS, ayaa ah hawlgal ay Midowga Afrika ku taageerto dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo xasilinta ammaanka dalka. Xaddidaadda maalgelinta Mareykanka ayaa keeni karta saameyn ku saabsan awoodda hawlgalkan, maaddaama Washington uu yahay mid ka mid ah taageerayaasha ugu waaweyn ee dhaqaale iyo qalab ahaanba.

Go’aankan soo jeedinta ah wuxuu imaanayaa xilli Soomaaliya ay weli wajahayo weerarro joogto ah oo ay Al-Shabaab ka fuliso gobollo badan, isla markaana loo baahan yahay taageero ciidan iyo dhaqaale oo joogto ah si loo hubiyo amniga iyo xasiloonida.