Sabti, Agoosto 9, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dagaalo mudo todobaad ah ku dhexmarayay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM iyo kuwa kooxda Al-shabaab.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa nabbad ilaalinta ee AUSSOM iney si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib dagaalo khasaare xoogan lagu gaarsiiyay kooxda.
"Dagaalo todobaad ka socday degmada Bariire waxaa cadawga Khawaarijta ah looga dilay ku dhawaad 120 xubnood oo ka tirsan Khawarijta, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay tiro intaas ka badan, halka laga furtay hub tiro badan iyo saanad ciidan oo ay wateen xubnihii la dilay iyo kuwii kale ee firxaday" ayuu yiri Wasiirka Axmed Macalin Fiqi.
Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiir Fiqi in ciidamada is kaashanaya ay wadaan howlgalo lagu xaqiijinaayo amniga deegaanka Bariire, isagoona xusay in dagaalka ka dhanka Al-shabaab uusan marnaba joogsan doonin.
“Dagaalka socda ma istaagi doono ilaa dalka oo dhan laga saaro Al-Shabaab. Waa waajib qaran in aan ka dulqaadno shacabka dhibka iyo cabburinta ay kooxdaasi ku hayso,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa tilmaamay in Bariire ay tahay magaalo istaraatiiji ah, islamarkaana xoreynteeda ay dowlada Fedaraalka u tahay isgoys muhiim ah dagaalka Al-shabaab ee ka socda Shabeellaha Hoose, wuxuuna si weyn u bogaadiyay guusha ciidamada qalabka sida ay ka soo hoyeen howlgaladii cuslaa ee ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.