8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 10, 2025
Uganda oo ku eedeeysay Maraykanka inuu wadahadallo qarsoodi ah kula jiro Al-shabaab
 

Arbaco, Luulyo 9, 2025 (HOL) - Taliyaha ciidamada Uganda ahna wiilka madaxweynaha dalkaas Yoweri Museveni, Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in si buuxda looga saaro ciidamada Uganda gudaha Soomaaliya, taasoo ka dhigan dhammaadka 18 sano oo ay ku jireen howlgal nabad-ilaalin ah oo Midowga Afrika ah.

War qoraal ah oo uu ku baahiyay baraha bulshada, Kainerugaba wuxuu ku eedeeyay Mareykanka in uu wada-hadallo qarsoodi ah la bilaabay kooxda mintidka ah ee Al-Shabaab, taasoo uu sheegay in ay wax u dhimaysa dadaallada ciidamada nabad-ilaalinta Afrika ee Soomaaliya jooga.

“Mareykanka iyo reer Galbeedka guud ahaan waxay aqoonsanayaan Al-Qaacida Suuriya. Xitaa walaalaheenna Israa’iil waxay u muuqdaan inay oggol yihiin arrintan?” ayuu yiri Kainerugaba.

“Waxaan maqalnay in Mareykanku uu bilaabay wada-xaajood qarsoodi ah oo uu la leeyahay Al-Shabaab gudaha Soomaaliya. Waxaan ka codsan doonnaa Taliyaha Guud in uu tixgeliyo in ciidamada Uganda 18 sano kaddib ay soo faarujiyaan Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Ciidamada Uganda ayaa qayb muhiim ah ka ah howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. Tan iyo 2007, Uganda waxay geysay kumannaan askari si ay uga qayb qaataan dadaallada lagu xasilinayo dalka laguna la dagaallamayo Al-Shabaab.

Hamza Warfa, oo horey uga tirsanaan jiray la-taliyeyaasha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa dhawaan sheegay in Mareykanka laga yaabo inuu si hoose ula furay wadahadallo kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida, taasoo astaan u noqon karta isbeddel cusub oo ku yimaada siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya.

Hamza Warfa oo la hadlay Universal Somali TV ayaa sheegay in habka ciidan ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab uu meel adag ku dhammaaday, isla markaana ay suuragal tahay in xukuumaddii Trump horey u bilowday qorshe ay si dadban ama toos ah ula xiriiraan kooxda Alshabaab.