8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 10, 2025
Shirka dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo oo dib u dhacay, khilaaf siyaasadeed dartii
  

Arbaco, Luulyo 9, 2025 (HOL) - Shirka dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo oo lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Laascaanood ayaa dib loo dhigay ilaa Sabtida soo socota, xilli ay halkaas gaareen wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Laascaanood ayaa u xaqiijiyay warbaahinta HOL in dib-u-dhaca shirku uu salka ku hayo khilaaf siyaasadeed oo ka dhex taagan madaxda SSC-Khaatumo iyo musharaxiinta.

Wararka ayaa sheegaya in siyaasiyiin mucaarad ah ay waaberigii saakay gaadiid dagaal iyo ciidamo kusoo wareejiyeen hotelka la qorsheynayay in shirka lagu qabto. Wararka qaar ayaa sheegaya inay la wareegaan goobta shirka, taasoo keentay in shirku baaqdo.

Isimmada dhaqanka ee SSC-Khaatumo ayaa la rumeysan yahay in ay door muuqda ka qaateen go’aanka dib-u-dhigista shirka, si fursad loogu helo xal u helidda tabashooyinka ay muujiyeen siyaasiyiinta iyo musharrixiinta mucaaradka.

Shalay ayay ahayd markii qaar ka mid ah siyaasiyiintaasi ay ku eedeeyeen Madaxweyne Firdhiye inuu shirka ka leexinayo dariiqii saxda ahaa ee loogu talo galay.

Madaxweyne Firdhiye ayaa lagu dhaliilay inuu si gaar ah u maamulanayo talada shirweynaha, taas oo keentay in mucaaradka ay ku baaqaan in shirku noqdo mid furan oo loo dhan yahay, halkii uu noqon lahaa mid dad gaar ah ay dano gaar ah ka dhex raadiyaan.

Musharaxiintu waxay walaac xooggan ka muujiyeen in maamulka SSC-Khaatumo uusan weli ka jawaabin bayaankii dhawaan kasoo baxay beesha Warsangeli, oo iyadu horey u sheegtay in aysan qayb ka ahayn shirka.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Cali Xoosh, oo hoggaaminaya wafdiga dowladda Federaalka uga qeybgalaya shirka, ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha SSC-Khaatumo iyo dhinacyada kale ee kasoo horjeeda, si uu gacan uga geysto xallinta ismariwaaga siyaasadeed ee haatan taagan.