Arbaco, Luulyo 9, 2025 (HOL) - Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa xukuno adag ku ridday 13 eedeysane oo geystay kiis kufsi wadareed ah oo dhawaan ka dhacay magaalada Boosaaso, kaas oo loo geystay Faadumo Siciid Cali, gabadh 16 jir ah. Maxkamaddu waxay 8 kamid ah dhalinyaradaasi ku heshay dambiga kufsigaas, iyadoo mid kamid ah uu ahaa 17 jir.
Sidii ay maxkamaddu sheegtay, 8 eedeysane ayaa mid walba lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $3,000, halka Mascuud Maxamuud Xareed oo ahaa 17 jir lagu xukumay 6 sano oo xabsi ah iyo isla ganaaxa lacageed ee $3,000.
Magacyada ragga dambiga lagu helay ayaa kala ah: Abuukar Cali Cabdi, Axmed Maxamed Daahir, Sharmaarke Cabdirashiid Cali, Mustafe Mahad Qaasim, Maxamed Cali Jaamac, Cabduulaahi Shaafici Dayib, Cabdiraxmaan Saleebaan Maxamed, Cabdullaahi Maxamed Cali, iyo Mascuud Maxamuud Xareed.
Sidoo kale, maxkamaddu waxay 4 eedeysane oo aan si toos ah ugu lug lahayn kufsiga, balse ku sugnaa goobta falka laguna helay inay xog ogaal ahaayeen, ku xukuntay 18 bilood oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $1,500 midkiiba. Raggan ayaa kala ah: Ayuub Maxamed Cabdullaahi, Sakariye Axmed Cali, Guuleed Maxamed Cabdi, iyo Salmaan Maxamuud Ismaaciil.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Puntland ay maxkamad hor keentay Sharmaarke Xuseen Yuusuf, oo lagu eedeeyay saddex kiis oo kufsi ah, labo kamid ahna ay la xiriiraan kufsi iyo jirdil uu u geystay laba gabdhood oo walaalo ah, kuwaas oo da’doodu ka yartahay toban sano.
Xeer ilaalinta gobolka Nugaal ayaa soo bandhigtay caddeymo ay ku jiraan muuqaal laga helay kaamirooyinka CCTV, kaas oo muujinaya eedeysanaha oo carruurta kxaysanaya gaarigiisa.
Sharmaarke ayaa lagu eedeeyay inuu carruurtaasi, oo kasoo jeeda qoysas danyar ah, ka qaaday magaalada Garowe isagoo sheegay inuu geynayo guryahooda oo ku yaalla xaafadaha barakacayaasha. Balse sida ay sheegtay xeer ilaalintu, wuxuu la aaday meel cidlo ah, halkaas oo la sheegay inuu ku kufsaday labada gabdhood.