8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 11, 2025
Soomaaliya iyo Jordan oo iska kaashanaya horumarinta Dhalinyarada iyo Ciyaaraha


Jimco, Luulyo 10, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa magaalada Cammaan ee dalka Jordan kaga qeybgalay daah-furka Istaraatiijiyadda Carabta ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga.

Munaasabaddan muhiimka ah oo ay kasoo qeyb-galeen wasiirro iyo masuuliyiin ka kala socday wadamada Carabta, ayaa lagu lafaguray doorka dhallinyaradu ku leeyihiin nabadeynta iyo horumarka dalalka gobolka.

Wasiir Maxamed Cabdulqaadir ayaa sidoo kale kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa Jordan, Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga, Yazan Shdeifat, Labada wasiir ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray iskaashiga ku saabsan horumarinta dhallinyarada iyo cayaaraha.

Intii uu kulanku socday, Wasiir Yazan Shdeifat ayaa sheegay in sanadkan magaalada Cammaan loo doortay caasimadda dhallinyarada Carabta, isagoo xusay dadaallada ay dowladdiisu ku bixineyso martigelinta iyo taageeridda barnaamijyada dhallinyarada ee gobolka.

Dhankiisa, Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Jordan iyo dowladda Jordanian-ka sida diirran ee ay u soo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa, Waxa uu bogaadiyay kaalinta muuqata ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Jordan ay ka qaadaneyso awoodsiinta iyo horumarinta dhallinyarada Carabta.