8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 11, 2025
Xubin Ka Tirsanaa Al-Shabaab oo Isku Dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
 

Jimco, Luulyo 10, 2025 (HOL) - Waxaa si rasmi ah iskugu soo dhiibay ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutada 23-aad, Ururka 231 ee ciidanka xooga Soomaaliya , xubin ka tirsanaa kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Ninka isa soo dhiibay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Xuseen Maxamed, wuxuuna sheegay inuu go’aankaas qaatay kadib markuu si qoto dheer u fahmay xadgudubyada iyo falalka arxan darrada ah ee kooxda Al-Shabaab ku hayaan shacabka, culimada, iyo masuuliyiinta dowliga ah.

Maxamed ayaa sidoo kale xusay in muddo uu si dhow ula socday falalka kooxda, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo si cad ugu xadgudbaya diinta Islaamka iyo anshaxa bini’aadantinimada, taasoo ku kalliftay inuu go’aansado inuu ka go’o kooxda.

Taliska ururka 231 ayaa si diirran u soo dhaweeyay talaabada uu qaaday Maxamed, iyagoo carrabka ku adkeeyay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay mar walba diyaar u yihiin inay fursad siiyaan cid kasta oo ka xumaanaysa fikirka xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Wararka sidoo kale waxay sheegayaan in Maxamed Xuseen Maxamed lala yeeshay wareysiyo muhiim ah, kuwaas oo ay ka soo baxeen xog la xiriirta meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxda, dhaqdhaqaaqyadooda, iyo qorshayaal ay wateen.

Taliyaha guutada 23-aad ayaa ku tilmaamay isdhiibidda Maxamed mid muujinaysa kala shakiga iyo kala fogaanshaha ka jira gudaha kooxda Al-Shabaab, isagoo intaas ku daray in ay rajeynayaan inay tallaabadan dhiirrigelin doonto xubno kale oo wali ku jira kooxda si ay isugu dhiibaan dowladda.