8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 11, 2025
Hay'adda Socdaalka oo ka hadashay sababta aysan weli u dhaqan gelin isticmaalka kaarka aqoonsiga Qaranka
 

Jimco, Luulyo 10, 2025 (HOL) - Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, Mustafe Dhuxulow, ayaa sheegay in weli baasaboorka Soomaaliya lagu bixinayo warqadaha sugnaanta iyo dhalashada iyo warqadda ambi-la’aanta ee CID, halkii laga filaayay in lagu qaato kaarka aqoonsiga qaranka ee ay Dowladda Soomaaliya hirgelisay.

Agaasime Mustafe Dhuxulow ayaa arrintan ku sababeeyay baahida loo qabo in la mideeyo xogaha aqoonsiga ee kala duwan, si loo hubiyo in xogaha cusub iyo kuwii hore ay isku mid noqdaan, loona helo nidaam isku xiran oo sugan.

Wuxuu xusay in weli aysan jirin isdhexgal rasmi ah oo ka dhexeeya hay’adaha bixiya adeegyada aqoonsiga, sida Hay’adda Socdaalka,  iyo Hay’adda Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA).

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in dhowaan la rajeynayo in baasaboorka Soomaaliya lagu qaadan doono kaarka aqoonsiga qaranka ee ay NIRA bixiso.

Agaasimaha ayaa intaas ku daray in dowladda ay ka shaqeyneyso sidii loo mideyn lahaa adeegyada hay’adahaasi, si loo helo nidaam aqoonsi oo isku xirnaan leh, taasoo ka caawin doonta muwaadiniinta helidda adeegyada muhiimka ah ee dowladda.

Dowladda ayaa dhawaan ku dhawaaqday in dhammaan adeegyada dowladeed ee muhiimka ah, sida waxbarashada, caafimaadka, safarrada, iyo adeegyada sharciga, laga bilaabo hadda laga xaddidi doono dadka aan haysan kaarka aqoonsiga qaranka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa sheegtay in tallaabadan qeyb ka tahay dardargelinta hirgelinta nidaamka aqoonsiga dijitaalka ah ee dalka, si loo sugo amniga, loo hagaajiyo adeegyada bulshada, loona xaqiijiyo in muwaadin kasta uu si sax ah u helo xuquuqdiisa dastuuriga ah.