Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday Is-afgarad lagu xoojinayo hanti dhowrka guud iyo la socodka maaliyadda

Jimco, Luulyo 10, 2025 (HOL) - Waxaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga lagu kala saxiixday heshiis iskaashi oo muhiim ah, kaas oo dhex maray Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maxkamadda Xisaabta ee Jamhuuriyadda Turkiga.
Heshiiskan oo ah mid labo geesood ah ayaa lagu wadaa inuu xoojiyo wada shaqeynta dhinacyada hantidhowrka, isla markaana horumar weyn u horseedo maareynta maaliyadda dadweynaha Soomaaliya.
Axmed Guutaale, oo ah Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya, ayaa xafladda saxiixa heshiiska ka sheegay in tallaabadani ay tahay mid dhaxal gal ah oo muhiim u ah dowladdiisa, gaar ahaan dhinaca horumarinta hay’adaha maaliyadeed.
“Iskaashigan wuxuu naga caawin doonaa inaan helno tababaro casri ah iyo farsamooyin cusub oo kor u qaadi doona shaqadeena,” ayuu yiri hanti dhowraha Soomaaliya Axmed Ciise Guutaale.
Dhinaca kale, Metin Yener, oo ah Hantidhowraha Guud ee Turkiga, ayaa sheegay in labada hay’adood ay iska kaashan doonaan barashada culuumta hantidhowrka, is-dhaafsiga aqoonta, iyo kor u qaadida awoodda shaqaalaha.
Heshiiska ayaa sidoo kale fursad u siinaya shaqaalaha Soomaaliya in ay bartaan culuumta la xiriirta maamulka maaliyadda, sharciga, iyo teknoolajiyadda, Waxaana uu heshiiskan uu qayb ka yahay dadaallada ballaaran ee Soomaaliya ay ku doonayso in lagu xoojiyo hanaanka maaliyadeed ee dawladda iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.
Hoos ka Akhriso Heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya:-
𝟏. Is dhaafsiga xirfadaha iyo culuumta la xariirta man-hajka iyo habraacyada fulinta Hantidhowris madaxbannaan iyo korjoogteynta hannaanka Maareynta Maaliyadda Guud ee Qaranka, iyada oo hay’ad kasta ay raaceyso Sharciyada iyo Xeerarka u degsan dal ahaan.
𝟐. Wadaagga waaya-aragnimada la xariirta Baarisyada Waxqabadka, U Hoggaansanaanta Sharciga, Nidaamyada Macluumaadka Teknolajiyadda, heshiisyada dheef-wadaagga iyo falanqeynta xogaha.
𝟑. Wada-fulinta cilmi-baarisyo ku saabsan horumarinta xirfadda Hantidhowrrka iyo hantidhowrayaasha.
𝟒. Suuragelinta iyo fududeynta waxbarashada Masters-ka iyo PhD ee la xiriirta Maaddooyinka Sharciga iyo Xeer-dejinta, Dembiyada Maaliyadda, Caddaaladda Dembiyada, IT-ga, Xisaabaadka, Dhaqaalaha, Tiro-koobka, Baarisyada Waxsoosaar Khayraadka, Baarista iyo ka Warbixinta Maamulka Miisaaniyadda Guud.
𝟓. Taageeridda horumarka Unugyada Baarista Waxsoosaar Khayraadka, dabagalka Natiijada Warbixinnada iyo Tala-soojeedinnada Hantidhowrka, Isku-xirka Hantidhowrista kala duwan iyo xoojinta fahamka waxtarka Mabaadii’da Hantidhowrista.