Sabti, Luulyo 12, 2025 (HOL) - Shilkii diyaaradeed ee dhacay 12-kii June 2025 magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya ayaa noqday mid si weyn u gilgilay warbaahinta caalamka, kadib markii diyaaradda Air India oo duulimaadkeedu aha 171 una socotay garoonka Gatwick ee London ay si lama filaan ah u burburtay wax ka yar hal daqiiqo kadib markay kacday.
Diyaaraddan oo ahayd nooca Boeing 787 Dreamliner, ayaa sidday 230 rakaab ah, 10 shaqaale duulimaad iyo 2 duuliye, iyadoo inta badan dadkii saarnaa ay ku dhinteen shilkaas. Warbixin hordhac ah oo uu Sabtidii soo saaray Xafiiska Baadhista Shilalka Diyaaradaha ee Hindiya (AAIB) ayaa sheegtay in qalabka kontoroolka shidaalka ee diyaaradda — fuel-control switches — ay si lama filaan ah uga wareegeen booska "run" una guureen "cutoff", taasoo keentay in labada matoor ee diyaaradda ay isla markiiba joojiyaan shaqada.
Labada matoor ayaa istaagay isku mar, taasoo sababtay in diyaaraddu si deg deg ah hoos ugu dhacdo. Warbixintu ma caddayn sababta qalabkaasi uu uga dhaqaaqay booskoodii, mana eedayn cid gaar ah. Hase yeeshee, codad laga helay duubista xagga gudaha kabadhka duuliyeyaasha (cockpit voice recordings) ayaa muujiyay in mid ka mid ah duuliyeyaasha uu weydiiyay kan kale: "Maxaad u damisay?" isagoo kala kulmay jawaab ah, "Anigu ma damin."
Diyaaradda burburtay ayaa samaysay duullimaadkeeda 13:38 waqtiga maxalliga ah (08:08 GMT), balse wax ka yar 40 ilbidhiqsi kadib markii ay kacday, ayay labada matoor joojiyeen shaqadii, taasoo sababtay in ay ku dhacdo guryo ku ag yaalay BJ Medical College hostel oo ku yaalla xaafad dad badan ku nool yihiin. Waxaa la xaqiijiyay in diyaaradda ay ku burburtay masaafad aan ka badnayn oo 1.85 km u jirta garoonka.
Shilkaas ayaa noqday kii ugu dhimashada badnaa ee diyaaradeed tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo uu hal qof oo kali ah ka badbaaday, shakhsiga badbaaday ayaa ah nin lagu magacaabo Vishwaskumar Ramesh, oo ah muwaadin Ingiriis ah oo asal ahaan u dhashay Hindiya. Sidoo kale, 19 qof oo ay diyaaradu ku dul dhacday ayaa goobta ku dhintay halka 67 kalena ay ku dhaawacmeen.
Baadhayaal ka socda shirkadda Boeing iyo khubaro ka socota Mareykanka iyo UK ayaa ku biiray kooxda baadhista, iyadoo warbixintu sheegtay in diyaaraddu ay lahayd shahaadada siinaysa awooda in ay duulimaad samayso (Airworthiness Review Certificate) taasoo ansax ahayd ilaa May 2026, islamarkaana waxay ahayd mid si joogto ah loo dayactiro.
Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay xustay in Hay’adda Duulista Hawada Mareykanka (FAA) ay horay, sannadkii 2018, uga digtay cilad dhanka qalabka kontoroolka shidaalka ah, taasoo keeni karta in nidaamka xidhan (locking mechanism) uusan si fiican u shaqayn. Air India ayaa sheegtay in aysan wax baadhis ah ku samayn arrintaas, maadaama uusan qaanuunku ku waajibin.
Inkasta oo qalabka muhiimka ah sida Ram Air Turbine (RAT) iyo Auxiliary Power Unit (APU) ay si toos ah u shaqeeyeen si loo badbaadiyo diyaaradda, matoorka koowaad ayaa bilaabay inuu dib u shidmo, halka matoorka labaad uusan dib u shaqayn. Waxaana daqiiqado yar ka hor shilka laga maqlay qaylo degdeg ah.
Sida laga arkay muuqaalada CCTV-da garoonka diyaaradaha ee Ahmedabad, diyaaradda waxaa la arkayay iyadoo qalabka RAT ku uu shaqaynayso, isla markiiba hoos ugu dhacday xagga dhulka kahor inta aysan kasoo gudbin darbiga garoonka. Ma jirin wax jawaab ah oo ay bixiyeen duuliyeyaasha kadib qaylada degdega ah.
Warbixinta hordhaca ah waxay sheegtay in qaybta lagu hago xawaaraha matoorada (throttle control module) la bedelay sannadihii 2019 iyo 2023, hase yeeshee aanay wax cilad ah oo la xidhiidha kontoroolka shidaalka laga soo sheegin tan iyo markaas. Baadhitaanka ayaa wali socda, iyadoo la rajeynayo in laga helo xog dheeri ah oo caddayn karta sababta dhabta ah ee keentay shilkan naxdinta leh.