8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo Safiirka Shiinaha oo kawada hadla iskaashiga Dhaqanka iyo Warbaahinta

Isniin, Luulyo 14, 2025 (HOL) -  Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu waxaana ay diiradda saareen xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada dhaqanka iyo warbaahinta, Labada mas’uul ayaa muujiyay in ay ka go’an tahay horumarinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Intii kulanka uu socday, Wasiirka iyo Safiirka ayaa si wadajir ah u booqday Keydka Codadka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, halkaas oo ay warbixin ku saabsan dib-u-habaynta iyo digital-ka ka dhageysteen khubaro ka tirsan Wasaaradda. waxayna kormeer ku tageen Xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhoweeyeen Hoballada Qaranka ee Waaberi. Halkaas waxaa lagu soo bandhigay heeso luuqadaha Soomaaliga iyo Shiinaha ah, iyo ciyaaro dhaqameedyo kala duwan.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa uga mahadceliyay Safiirka booqashadiisa iyo taageerada Shiinaha ee joogtada ah, isagoo xusay in sanadkan la xusayo 65 sano oo xiriir saaxiibtinimo ah oo ka dhexeeya labada dal.

“Shiinaha waa saaxiib istiraatiiji ah. Xiriirkeenu waa mid qoto dheer, waxaana si weyn u qadarinaynaa taageerada dhinacyada dhaqanka, suugaanta iyo warbaahinta,” ayuu yiri Wasiirka.

Safiirka Shiinaha ayaa dhankiisa sheegay in Golaha Murtida uu yahay astaan qaran oo muhiim u ah dhaqanka Soomaaliyeed, wuxuuna ballanqaaday in dowladda Shiinaha ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta ayaa Safiirka ku maamuusay laba sawir-gacmeed oo ay diyaariyeen farshaxanayaal Soomaaliyeed, kuwaas oo ka tarjumaya xiriirka madaxda labada dal.