8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 14, 2025
Wiil dhimirka ka xanuunsanaya oo uu libaax ku weeraray Beerta Libaaxyada ee Hargeysa

Isniin, Luulyo 14, 2025 (HOL) - Wiil dhallinyaro ah oo dhimirka ka xanuunsanaya ayaa galay Beerta Libaaxyada lagu xanaaneeyo ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ku jiraan shan libaax oo lab ah. Kadib, mid kamid ah libaaxyadaas ayaa weeraray wiilka, wuxuuna gaadhsiiyay dhaawacyo.

Qof goob-jooge ah, oo codkiisu u muuqday ilmo yar, ayaa markii libaaxu qabsaday wiilka ku qayliyay: “Ala wuu goostay! Ax! Ashhadu an laa ilaaha illallaah! Aar iska ashahaado!” iyadoo codad kale oo dhiillo leh laga maqlayay goobta uu libaaxu ku haystay wiilka.

Mid kamid ah maamulayaasha Beerta Libaaxyada ee Hargeysa ayaa u sheegay Saab TV in wiilka dhibbanaha ahi uu isagu galay xerada libaaxyada oo ka samaysan shabag bir ah.

"Xagga dambe ee dooxa ayuu kasoo galay, kadibna shabaga ayuu ku istaagay, wuxuuna kusoo dhacay meesha libaaxyadu ku jiraan. Dad ayaa ku yidhi, 'Mayd iska dhig si uu libaaxu uga tago,’ kadibna isaga oo leef-leefaya ayaa loo yimid," ayuu yidhi.

Maamuluhu wuxuu sheegay in wiilku aanu qabin dhaawac culus, balse libaaxu uu xag-xagtay kadib markuu weeraray. Wuxuu intaas ku daray in libaaxa laga kiciyay wiilka iyadoo loo keenay hilib, taasoo keentay inuu libaaxu meesha ka dhaqaaqo oo sidaas loo badbaadiyay wiilka.

Aabaha dhalay wiilka dhaawacmay oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi: "Inankaygu wuxuu igu yidhi, ‘Shabagga aniga ayaa furay.’ Ninka Islaamka ah in aan dulmi saarnana Ilaahay naguma oga. Inanku wuu xanuunsanayay. Sida uu sheegayay in ay tahay waa wax dhici kara, in ay wax ka beddelanyihiina tahayna waa wax dhici kara."

Wuxuu sheegay in qoyskii Waran-Cadde, oo iska leh beerta libaaxyada, ay wiilka dhaawacmay u qaadeen isbitaalka, halkaas oo hadda lagu daweynayo. Dhanka kale, aabuhu wuxuu xusay in dhaawacyo uu wiilku qabo, balse dhakhaatiirtu sheegeen in xaaladdiisu soo hagaagayso.

“Sidaas ayuu ku mahadsan yahay. Wax kale haddii ay ugu daraana, dee waa nin xigaal ah. In wixii Alle keeno layska caawiyo ama aan la is dulminina way fiicantahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray aabaha wiilka dhaawaca ah.

Ma aha markii ugu horreysay ee libaaxyadani qof waxyeeleeyaan. Hore waxa u dhacday in libaax aar ahi uu baxsaday, isla markaana uu cunay gabadh Itoobiyaan ah. Sidoo kale, gool baxsatay sannado ka hor ayaa dishay gabadh dhallinyaro ah.