Hiiraan Online
8/13/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, July 14, 2025
NISA oo duqeyn ku dishay ku dhawaad 20 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab
Isniin, Luulyo 14, 2025 (HOL) - Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysanaa oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay isgoyska Gayacad oo u dhow deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan.
Howlgalkaan oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah ayaa NISA sheegtay inuu Xalay dhacay mudo sadax jeer ah, si gaar ahna loola beegsay xubno ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab oo gurmad ahaan ugu socday gobolka Hiiraan.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay ilaa 15 xubnood oo ka tirsan kooxda, islamarkaana sidoo kale dhaawacayo culus lagu gaarsiiyay tiro kale oo ka mid ah kooxda.
Maleeshiyaadka Al-shabaab ee howlgalka duqeynta ah lagu dilay ayaa iska soo abaabulay degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellada Dhexe oo ay kooxdu gacanta ku hayso.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhaneystiran:-