DEG DEG: Golaha Wakiillada Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Talaado, Luulyo 15, 2025 - Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa si rasmi ah xilka uga qaaday Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil intii lagu guda jiray fadhigii 16-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee baarlamaanka.
Fadhiga waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdirisaaq Axmed Siciid, waxaana cod gacan taag ah lagu meelmariyay go’aanka xil-ka-qaadista.
Natiijada codbixinta waxay ahayd:
• 38 xildhibaan ayaa u codeeyay xil ka qaadista,
• 1 xildhibaan ayaa ka soo horjeestay,
• 4 xildhibaan ayaa ka aamusay.
Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa waqtiga go’aanka la gaaraayay ku sugnaa magaalada Laascaanood, halkaas oo uu uga qaybgalayay shir muhiim ah.
Go’aankan wuxuu noqonayaa mid taariikhi ah oo xambaarsan dareen siyaasadeed iyo sharciyeed, iyadoo Golaha Wakiilladu mar kale muujinayaan doorkooda dastuuriga ah ee ilaalinta hufnaanta iyo isla xisaabtanka masuuliyiinta dowladda.