8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 15, 2025
Kooxda Daacish oo bilaabay Afduub iyo Dhac ka dhan ah xoola dhaqatada Buuraleyda Calmiskad

Talaado, Luulyo 15, 2025 - Kooxda Daacish ee weli ku sugan buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa bilaabay falal cusub iyagoo afduub iyo dhac u geysanaya dadka reer miyiga ah ee ku dhow goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan, sida ay ogaatay HOL oo la xiriirtay ilo-wareedyo rasmi ah.

Dhowrkii cisho ee la soo dhaafay, dagaalamayaal ka tirsan kooxda Daacish ayaa si ula kac ah u beegsaday dadka deegaanka Togga Miiraale iyo agagaarka deegaannada dib loogu soo laabtay. Waxay si xoog ah uga qaadanayaan xoolaha dadka, halka kuwa diida ay gowracayaan ama afduubanayaan.

Ilo-wareedyo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in dhowr qof la afduubtay, kuwo kalena la dilay ama la dhaawacay. Tallaabadan ayaa cabsi xooggan ku abuurtay bulshada ku nool miyiga, iyagoo bilaabay inay isaga qaxaan goobaha ay kooxdaasi ku sugan tahay.

Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay deegaanka Unuun ee degmada Qandala, halkaas oo rag ka tirsan Daacish ay afduub u geysteen nin lagu magacaabo Axmed Ibraahim Aadan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka, oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, ayaa HOL u sheegay in raggii afduubka geystay ay ninkan si cad ugu hanjabeen dil, isla markaana goor dambe la maqlay dhawaqa rasaas laga maqlay goobta loo afduubtay.

Lama xaqiijin wali inuu dhintay Axmed Ibraahim Aadan, balse qoyskiisa iyo dadka deegaanka ayaa weli baadi-goob ugu jira helitaanka ama xaqiijinta geeridiisa.

Arrintaan ayaa kusoo aadaysa, xilli uu hakad ku yimid howlgalladii ka dhanka ahaa Daacish, oo isku urursatay togga Baalade oo ku dhow magaalada Boosaaso. Weli ciidanka Puntland ma qaadin dagaal ka fool ka fool, marka laga reebo duqeymo lagu garaacayo goobaha lagu tuhmayo inay ku jiraan.

Shalay, sarkaal katirsan ciidanka Puntland ayaa sheegay in ceelashii biyaha lagala wareegay Daacish, sidaas darteedna ay ku qasban yihiin inay isisoo dhiibaan iyaga iyo xaasaskooda iyo carruurtooda, hase ahaatee weli ma jiraan cid isisoo dhiibtay.