8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 15, 2025
Mudada Is-diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Lagu Kordhiyay

Talaado, Luulyo 15, 2025 - Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ku dhawaaqay in ololaha is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir la kordhiyay muddo hal bil ah, taasoo ka dhigan in is-diiwaangelintu sii socon doonto ilaa 15-ka Agoosto 2025.

Guddiga waxa uu shaaca ka qaaday in Go'aankan la gaaray kadib markii la arkay tirada sii kordheysa ee dadweynaha ka qeybgalaya is-diiwaangelinta. waxaana ay tilmaameen in maalin kasta soo badanayaan muwaadiniinta safafka u galaaya inay helaan fursadda ay codkooda uga dhiiban lahaayeen doorashooyinka soo socda.

"Waxaan go’aansanay inaan kordhinno waqtiga is-diiwaangelinta si aan u siino dhammaan dadka reer Muqdisho fursad siman oo ay codkooda ugu xaqiijin karaan," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga.

Doorashadan la qorsheynayo ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee dadweynuhu si toos ah ugu dhiibtaan codkooda magaalada Muqdisho muddo ka badan 50 sano, Waxaa la rumeysan yahay in tani ay calaamad u tahay rajo cusub oo ku wajahan dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Guddigu waxa uu si gaar ah ugu baaqay dhalinyarada, haweenka, iyo dadka aan weli is-diiwaangelin, inaysan ka harin fursaddan, maadaama is-diiwaangelintu ay tahay dariiqa kaliya ee qofka muwaadinka ahi ku xaqiijin karo inuu codkiisa ka dhiibto.

Ugu dambeyn waxa ay Guddigu ugu baaqeen dadka ku nool degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir in ay u tagaan goobaha is-diiwaangelinta ee u dhow si ay u helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee codbixinta.