Talaado, Luulyo 15, 2025 - Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhintay, toban kalena way ku dhaawacmeen kadib iska horimaad culus oo galabta ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Haylaan, kaasoo dhexmaray ciidamada Puntland iyo ciidan beeleed taabacsan siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Sanaag.
Iska horimaadkan ayaa yimid kadib markii la sheegay in ciidamada Puntland, gaar ahaan PMPF, ay gaareen Dhahar si ay u qaadaan isbaarooyin sharci darro ah oo la dhigay dhawaan, taasi oo dhalisay dagaal saacado socday. Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in rasaas culus la is dhaafsaday, taasoo sababtay barakaca dad badan oo shacabka ah.
Odayaal dhaqameed ku sugan Laascaanood, kana soo jeeda deegaanka Dhahar, ayaa si kulul u eedeeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyagoo ku tilmaamay weerarkan mid bareer ah oo lagu bartilmaameedsaday dadka deegaanka ah oo taageero u muujiyay maamulka SSC-Khaatumo
Dhinaca kale, Puntland ayaa eedda dusha ka saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxa, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay ka dambeysay abaabulka colaadda Dhahar, isagoo tilmaamay in maleeshiyaad hubeysan oo ay dawladdu soo abaabushay ay si bareer ah dagaal uga dhex abuureen deegaan nabadeed.
Wasiir Juxa wuxuu yiri: "Waxaan si adag u cambaaraynaynaa Dowladda Federaalka oo hurinaysa colaad, kicin bulsho iyo degenaansho la’aan ka dhex abuuraysa Puntland, iyadoo adeegsanaysa deeqihii beesha caalamka. Tani waa fal dhabar-jabin ku ah dadaallada Puntland ee la dagaallanka argagixisada."
Xaaladda magaalada Dhahar ayaa weli kacsan, iyadoo ciidamo kala duwan ay weli ku sugan yihiin hareeraha degmada. Dad badan oo shacab ah ayaa magaalada isaga cararay, iyagoo ka cabsi qaba in mar kale lagu dul dagaalamo. Saan-saan colaadeed ayaa ka jirta deegaanka, iyadoo weli aan la helin xal siyaasadeed oo degdeg ah.