Arbaco, Luulyo 16, 2025 - Xarunta La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada (TFTC) ayaa ku dhawaaqday liiska magacyada saddex qof oo fududeeya howlaha kooxda ISIS ee Afrika.
Dadkan la magacaabay ayaa door muhiim ah ka qaatay maalgelinta iyo hawlgalada kooxda ISIS, iyagoo ka shaqeynayay meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo (DRC), Soomaaliya, iyo Koonfur Afrika. Tani waa wajigii sideedaad ee magacaabista wadajirka ah ee ay sameeyaan TFTC.
"Ficilka wadajirka ah ee maanta waxa uu muujinayaa go’aankeenna mideysan ee ah inaan carqaladeyno awoodda ay ISIS iyo kooxaha kale ee argagixisada u leeyihiin inay galaan nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah, meel kasta oo ay ka howl-galaan," ayuu yiri Ku-simaha Xoghayaha Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ee La-dagaalanka Argagixisada iyo Sirdoonka Maaliyadeed, Bradley T. Smith.
"Maraykanka, oo ay weheliyaan la-hawlgalayaasheena TFTC, waxay si adag u go’aansadeen inay bartilmaameedsadaan kooxaha argagixisada, maalgeliyayaashooda, iyo shabakadaha taageera ee fuliya weerarada dhimashada leh iyo dhaqdhaqaaqyada xasilooni darrada abuura ee caalamka oo dhan."
TFTC oo la aasaasay sanadkii 2017 si loo xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Mareykanka iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) ee ka dhanka ah maalgelinta argagixisada, waxay xoogga saartaa fulinta ficillo wadajir ah oo carqaladeyn ah, oo ay ka mid yihiin cunaqabataynta bartilmaameedka ah, is-weydaarsiga xogaha wax looga qaban karo ee la xiriira shabakadaha maalgelinta argagixisada, iyo tababarro kor loogu qaadayo awoodaha hay’adaha si ay uga hortagaan maalgelinta argagixisada.
Xubnaha la magacaabay.
Zayd Gangat (Gangat): Waa fududeeye iyo tababare ISIS ah oo ku sugan Koonfur Afrika. Hoggaamiyeyaasha ISIS ee Koonfur Afrika ayaa taariikh ahaan u adeegsaday dhaca, baadda, iyo afduub lacag lagu dalbado si ay u helaan dhaqaale.
Hamidah Nabagala (Nabagala): Waa haweeney ku sugan DRC oo ah dhexdhexaadiye ISIS u kala gudbisa lacagaha bartamaha Afrika. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inay maalgelisay qaraxii Kampala ee dhacay bishii Oktoobar 2021, kaasoo hal qof uu ku dhintay, ugu yaraan saddex kalena ku dhaawacay.
Sanadkii 2021, ciidamada ammaanka ee Uganda ayaa qabtay xubin ka tirsan ISIS oo helay lacag ay Nabagala dirsatay. Waxay sidoo kale isku dayday inay si qarsoodi ah uga saarto saddexdeeda carruur Uganda si ay ugu dirto xerooyinka ISIS ee ku yaalla DRC.
Gangat iyo Nabagala waxaa si rasmi ah loogu magacaabay liiska cunaqabataynta Xafiiska Maamulka Hantida Shisheeye ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka (OFAC) 23-kii Luulyo 2024, iyada oo loo marayo Amar Madaxweyne sababo la xiriira taageero ay siiyeen ISIS.
Abdiweli Mohamed Yusuf (Yusuf): Tan iyo 2019, wuxuu ahaa hoggaamiyaha faraca ISIS ee Soomaaliya, isaga oo door toos ah ka qaatay soo-gudbinta dagaalyahanno ajnabi ah, qalab iyo rasaas magaca ISIS-Soomaaliya, taasoo ah xarun kaalin weyn ku leh bixinta lacagaha iyo tilmaamaha la gaarsiiyo laamaha ISIS iyo shabakadaha ku faafsan qaaradda Afrika.
ISIS-Soomaaliya ayaa dhalin jirtay ilaa boqolaal kun oo doolar bishii iyada oo adeegsaneysa baadda iyo ganacsi sharci-darro ah, waxaana ay ururisay $2.5 milyan sanadkii 2021 iyo $2 milyan qeybtii hore ee 2022.