8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 16, 2025
Madaxweynaha Somaliland oo si rasmi ah gogol nabadeed u dhigay magaalada Ceerigaabo




Arbaco, Luulyo 16, 2025 - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa digreeto rasmi ah ku soo saaray gogol nabadeed oo uu u dhigay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, si loo soo afjaro shaqaaqooyinkii ka dhacay halkaas.

Afhayeenka Madaxweynaha, Xuseen Aadan Cige (Dayr), oo warbaahinta u akhriyay digreetada Madaxweynaha, ayaa ku dhawaaqay gogosha nabadeed ee uu Madaxweyne Cirro u fidiyay bulshada gobolka Sanaag iyo magaalada Ceerigaabo.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ka duulaya masuuliyadda qaran ee ka saaran ilaalinta midnimada iyo nabadgelyada dalka, waxa uu si rasmi ah u fidiyay gogol nabadeed oo ballaadhan, oo uu u dhigay dhammaan beelaha walaalaha ah ee wada dega gobolka Sanaag,” ayuu yidhi Dayr.

Waxa uu sheegay in gogoshan nabadeed loogu talagalay in la isku laab-xaadho laguna xalliyo khilaafaadkii iyo shaqaaqooyinkii ka dhacay gobolka Sanaag, kuwaas oo sababay in dad badan ay magaalada ka barakacaan.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ugu baaqayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan odayaasha dhaqanka, culimada, ganacsatada, haweenka iyo dhallinyarada, in ay si mug leh u taageeraan hawsha nabadaynta, kuna biiraan dadaallada lagu sugayo nabad waarta,” ayuu yidhi Dayr.

Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in Madaxweynahu uu aaminsan yahay in nabadda iyo wada noolaanshuhu ay yihiin saldhigga dhismaha Somaliland, isla markaana ay lama huraan tahay in beel kasta oo degta gobolka Sanaag ay xil iska saarto ilaalinta nabadda iyo wadajirka bulshada.

“Gogoshan nabadeed waxa lagu xallin doonaa dhammaan tabashooyinkii iyo dhibaatooyinkii hore u dhacay, iyadoo la adeegsanayo hab dhaqameed iyo wadaxaajood toos ah oo ku salaysan cadaalad iyo garsoor suuban,” ayuu Dayr hadalkiisa ku daray isaga oo akhriyaya warsaxaafadeedka Madaxweynaha.

Magaalada Ceerigaabo, oo ka mid ah meelaha ugu deggan deegaanada Soomaalida, ayaa sanadkii hore gashay woxogaa qalalaase ah kadib markii ciidamo ka tirsan SSC-Khaatumo ay magaalada soo galeen, taasoo keentay dagaal dhexmaray ciidamada Somaliland.

Intaa kadib, kumannaan qoys ayaa magaalada ka qaxay. Hadaba, Xukuumadda Somaliland ayaa qaramaysay maleeshiyo beeleed ka samaysmay gobolka, kuwaasoo cabsi geliyay dadka deegaanka. Sidoo kale, xukuumaddu waxa ay dadka magaalada ka qaxay ugu baaqday in ay dib ugu soo laabtaan guryahoodii.

Dhanka kale waxa magaalada Laascaanood ka socda shir la sheegay in dowlada federaalku ay dabada ka riixayso oo la doonayo in maamul goboleed loogu sameeyo deegaanada Sool iyo Sanaag, tallaabadaas oo anay soo dhawayn Puntland iyo Somaliland.