Khamiis, Luulyo 17, 2025 - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha, Cabdikariim Axmed Xasan.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista iskaashiga labada dhinac, si loo dardar-geliyo ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka socda caasimadda, taasoo ah tallaabo muhiim u ah hirgelinta doorashada Qof iyo Cod oo ah hannaan ay shacabka Soomaaliyeed sugayeen muddo dheer.
"Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu si buuxda uga go’an yahay inuu taageero dhammaan dadaallada Guddiga Doorashooyinka, Waxaan diyaar u nahay inaan fududeyno diiwaangelinta, wacyigelinta shacabka, iyo diyaarinta goobaha codbixinta," ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa ku ammaanay Guddoomiye Muungaab sida uu uga go’an yahay matalaadda shacabka iyo fulinta barnaamijka doorashada.
"Waa arrin dhiirrigelin leh in Guddoomiyaha Caasimaddu si cad u garab istaago geeddi-socodka doorashooyinka, Tani waxay muujinaysaa biseyl siyaasadeed iyo danta guud ee bulshada Muqdisho," ayuu yiri Cabdikariim.
Ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee hadda socda ayaa la sheegay inuu si weyn u kordhay tan iyo markii uu xilka la wareegay Muungaab, Guddiga Doorashooyinka ayaa rajeynaya in maalmaha soo socda ay malaayiin qof u dareeri doonaan goobaha codbixinta ee caasimadda, taasoo ka dhigan horumar weyn oo laga gaaray qorshaha doorashooyinka.