Jimco, Luulyo 18, 2025 (HOL) - Taliyaha guud ee Ciidamada Difaaca dalka Rwanda, Jenaraal Mubarakh Muganga, ayaa u soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qaybgalayo Shirka 34-aad ee Golaha Siyaasadda ee Ciidamada Kaydka Bariga Afrika (EASF), kaasoo si rasmi ah uga furmay caasimadda Soomaaliya 17-ka Bishaan Luulyo, waxaana lagu wadaa inuu socdo ilaa 19-ka.
Jenaraal Muganga waxaa socdaalkiisa ku wehelinaya Komishineerka Booliska Gerard Rumanzi, oo matalayay Taliyaha Guud ee Booliska Rwanda, Felix Namuhoranye.
Shirkan heerkiisu sareeyo ayaa waxaa ka qaybgalaya taliyeyaasha ciidamada difaaca iyo saraakiil sare oo ka socda laamaha amniga ee dalalka xubnaha ka ah EASF, waxaana lagu falanqeeyay arrimo muhiim ah oo la xiriira, Istaraatiijiyado lagu xoojinayo nabadda iyo xasiloonida gobolka, Qorsheyaasha howlgallada degdegga ah ee Ciidanka Kaydka Bariga Afrika iyo Wada-shaqaynta dhanka amniga ee dalalka xubnaha ka ah ururka
Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Ciidamada Difaaca Rwanda (RDF) ayaa lagu sheegay in shirku uu yahay fursad muhiim ah oo lagu mideynayo dadaallada amniga iyo siyaasadda ee Bariga Afrika, si looga hortago khataraha sii kordhaya ee gobolka ka jira.
Taliyaha Ciidamada Difaaca Rwanda ayaa sheegay in Rwanda ay weligeed u taagan tahay ilaalinta nabadda gobolka, wuxuuna tilmaamay in iskaashiga milateri iyo midka siyaasadeed ee Bariga Afrika uu yahay furaha xallinta khilaafaadka iyo horumarinta xasilloonida.
Wuxuu intaas ku daray in Rwanda ay si buuxda uga go’an tahay taageeridda hawlgalada EASF iyo in la dhiso ciidan wadajir ah oo si degdeg ah uga jawaabi kara xaaladaha degdegga ah ee dhaca gobolka.
Shirkan oo soconaya muddo saddex maalmood ah ayaa la filayaa in laga soo saaro go'aammo muhiim ah oo wax ka taraya iskaashiga dalalka Bariga Afrika ee dhanka amniga iyo siyaasadda, waxaana warbixin rasmi ah laga sugayaa dhammaadka shirka.