Jimco, Luulyo 18, 2025 (HOL) - Danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Charles Nicholas King ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalln Fiqi xaruntii tababarada ciidamada oo ay dowladda Ingiriiska ka dhistay Baydhabo.
Xaruntaan oo ay dowladda Ingiriiska ka furtay magaalada Baydhabo sanadkii 2019-kii ayaa wax badan ka qabatay baahiyaha dhanka tababarada iyo aamaanka ee ciidamada qalabka sida, gaar ahaan kuwa ka howlgala deegaanada maamulka Koomfur Galbeed.
Dowladda Ingiriiska ayaa ugu talo gashay xaruntan iney si weyn uga qeyb uga qaadato tababarada iyo taageerada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka adag kula jira maleeshiyaadka Al-shabaab.
Munaasabadda kooban oo ay Wasaaradda Gaashaandhiga kula wareegeysay xaruntan ayaa waxaa goob joog ka ahaa saraakiil sare oo ka tirsan Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya, waxaana saraakiishaasi ka mid ahaa Kabtan James Edwards oo ah u qaabilsanaha dhanka milateriga ee Safaaradda Ingiriiska.
Wasiir Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa tilmaamay in xaruntaan ay muhiimad weyn u leedahay tayeynta ciidamada iyo dardargelinta howlgalada lagula dagaalamayo kooxda Al-shabaab.
Ugu dambeyntii Wasiirka Axmed Macalin Fiqi yaa uga mahadceliyay dowladda Ingiriiska garab istaaga iyo taageerada joogtada ah oo ay ka siiso Soomaaliya dhinacyada amniga iyo horumarinta.