8/13/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 18, 2025
Xubin Ka Tirsan Kooxda Al shabaab oo Isku Soo Dhiibay Ciidanka Amniga ee Jubbaland
 

Jimco, Luulyo 18, 2025 (HOL) - Laamaha amaanka Degmada Afmadow ayaa soo bandhigay Xuseen Abuukar Maxamed, oo isku soo dhiibay laamaha amniga Jubbaland kadib markii uu sheegay inuu ka baxay kooxda Al shabaab.

Xuseen Burgaan ayaa sheegay in uu muddo ka tirsanaa kooxdaasi, balse uu ugu dambeyn go’aansaday in uu iskaga soo baxo sababo la xiriira duruuf nololeed oo adag, gaajo, iyo cadaadis uu sheegay in laga dareemayo gudaha kooxda.

“Waa adkeysan waayay xaaladda aan ku jiray... ma jiro gargaar, ma jiro daryeel, wax walba waa cabsi iyo cadaadis joogto ah,” ayuu yiri Burgaan oo la hadlay warbaahinta Jubbaland.

Ciidamada ammaanka ee Jubbaland ayaa xaqiijiyay in Burgaan uu si iskiis ah isku soo dhiibay, waxaana ay sheegeen in la marsiin doono hannaan baaritaan.

Afhayeen u hadlay laamaha amniga ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday Burgaan ay tusaale u tahay isbeddelka ka socda gudaha deegaannada ay kooxdu horey u maamuli jirtay, wuxuuna carabka ku adkeeyay in Jubbaland ay garab taagan tahay dhammaan xubnaha ka soo goosta kooxda Al-Shabaab.

“Ciidamada Jubbaland waxay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al shabaab, iyadoo la dhiirrigelinayo cid kasta oo dooraneysa in ay dib ugu soo laabato nolol caadi ah,” ayuu yiri afhayeenka.