Jimco, Luulyo 18, 2025 (HOL) - Markab xamuul oo sida hub iyo gaadiid gaashaaman ayaa lagu qabtay xeebta degmada Bareeda ee gobolka Gardafuu, sida ay HOL u xaqiijiyeen ilo amni oo ku sugan gobolka Bari.
Markabkan oo la sheegay in laga leeyahay dal shisheeye, ayaa gacanta u galay ciidamo deegaanka ah xilli uu ku sugnaa meel u dhow xeebaha Bareeda.
Wararka hordhaca ah ee aan helnay ayaa tilmaamaya in markabka lagu tuhunsan yahay inuu siday hub iyo gaadiid milatari, balse weli baaritaan rasmi ah laguma sameyn. Saraakiil amni ayaa sheegay in markabka lagu hayo kormeer adag, isla markaana la sugayo faahfaahin dheeraad ah.
Sida wararka qaar sheegayaan, markabkan ayaa kusii jeeday magaalada Muqdisho, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin in hubkaasi uu ku socdo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis difaac badeed la gashay dowladda Turkiga, kaas oo oggolaanaya in ciidamada Turkigu ay ka qeyb qaataan ilaalinta xeebaha Soomaaliya.
Baarlamaanka Turkiga ayaa dhawaan ansixiyay qorshe dhigayay in Soomaaliya loo daabulo ciidamo iyo qalab ciidan si ay u taageeraan amniga badda dalka. Si kastaba, weli lama caddeyn xiriirka u dhexeeya hubka markabkan siday iyo heshiiskaas difaac.