8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 19, 2025
Markab hub siday oo lagu qabtay xeebaha Puntland oo lagu wado in uu ku xirto dekedda Boosaaso

Sabti, Luulyo 19, 2025 (HOL) - Markab xamuul ah oo siday hub iyo gaadiid ciidan oo shalay lagu qabtay xeebaha Puntland, ayaa la filayaa inuu kusoo xirto dekedda magaalada Boosaaso, sida ay muujinayaan xogaha hordhaca ah ee la helayo.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya in markabkan uu sido hub noocyo kala duwan leh, gaadiidka gaashaaman iyo kuwo loogu talagalay gurmadka degdegga ah. Waxaa sidoo kale muuqata in markabku uu ka yimid dalka Turkiga, iyadoo calanka Turkiga laga akhrisan karo qeybta danbe ee markabka.

Ilaa hadda, ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Puntland ama dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan markabkan hubka siday. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo su’aalo laga weydiiyay arrintaan ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah bixiyo.

Wararka laga helayo ilo-wareedyo ku dhow maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamada gaarka ah ee PMPF ay gudaha u galeen markabkan, balse lama xaqiijin karo in hub laga dejiyay. Ciidamada ayaa haatan si dhow u ilaalinaya markabka.

Sidoo kale, warar kale oo aan helnay ayaa tilmaamaya in markabku ay soo wajahday cilad dhinaca matoorka ah taasoo ku qasabtay inuu ku hakado xeebaha degmada Bareedo ee gobolka Bari.

Illaa iyo hadda lama oga cidda rasmiga ah ee loo waday hubkan. Warar is khilaafsan ayaa isa soo taraya; qaar waxay sheegayaan in shixnadda hubka loogu talagalay dowladda Federaalka Soomaaliya, halka kuwo kalena ay ku doodayaan in loo wado safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Laamaha ammaanka Puntland ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay si rasmi ah uga hadlaan markabkan.