Sabti, Luulyo 19, 2025 (HOL) - Puntland ayaa khatar weyn ku tilmaamay qaadista cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay ahayd tallaabo halis weyn ku ah amniga dalka iyo dowlad-dhisidda.
Wasiir Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa hadalkaan sheegay, ka gadaal markii ay Puntland gacanta ku dhigtay markab hub siday, kaasoo si qarsoodi ah doonayay inuu uga gudbo xeebaha Puntland, isagoo aan wadan wax ilaalo ah sida ay sheegeen masuuliyiin Puntland ah
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa eedeyn culus u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay mid ku fashilantay hawlihii lagu aaminay, sida ilaalinta midnimada, hirgelinta nidaamka federaalka iyo sugidda amniga. Wuxuu sheegay in dowladda dhexe ay haatan ku mashquulsan tahay kala qeybinta dowlad-goboleedyada iyo hurinta colaado gudaha ah.
“Dowladda Federaalka waxay ka dambeysay xasaradihii ka dhacay Raaskambooni iyo Dhahar, iyadoo mas’uuliyiin heer sare ah laga hayo abaabulka dagaalladaas,” ayuu yiri Wasiir Juxa.
Wuxuu si gaar ah uga digay hubka kusoo qulqulaya dalka, isagoo sheegay in aysan jirin hay’ad mas’uuliyad buuxda iska leh ilaalinta hubkaas, taasoo keeni karta inuu galo gacanta kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish. Wasiirku wuxuu tusaale u soo qaatay hub ay Al-Shabaab kala wareegtay ciidanka dowladda.
Hadalka wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa kusoo aaday kaddib markii Puntland ay gacanta ku dhigtay markab xamuul ah oo siday hub iyo saanad Ciidan, kaasoo haatan kusoo jirtay dekedda magaalada Bosaso.
Markabkan ayaa la ogaaday inuu ku wajahnaa magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan ilo amni oo la hadlay warbaahinta HOL.