8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 20, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Samatabixinta oo maanta markale kulmaya

Axad, Luulyo 20, 2025 (HOL) - Waxaa maanta oo Axad ah markale lagu wadaa in madaxtooyada Soomaaliya kulan ku wada yeeshaan madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha Mucaaradka ee ku midoobay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa ah ujeedkiisa in madaxweyne Xasan Sheekh uu dhageysto tabashada xubnaha Mucaaradka ah, waxaana kulankaani maanta dhacaya horay ugu balameen labada dhinac wareegii labaad ee wada hadalladooda ee soo dhacay 3-dii bishaan Luulyo.

Xubnaha Madasha Mucaaradka ah ayaa waxaa hoggaaminaayo Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Shiikh Axmed, waxaana wehlinaya Raysal wasaarayaashii hore, guddoomiyaashii, madax kale iyo siyaasiyiin caan ah.

Shirka maanta dhexmari doona madaxda Mucaaradka iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu lafa guri doona doodaha la xiriira dhammeystirka Dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Lama oga natiijada rasmiga ah ee kasoo bixi karta shirkaan oo ah mid si weyn indhaha ugu wada hayaan Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii shirkaan oo ah kii sadaxaad ayaa ku soo aadaya, iyadoo maamulada Puntland iyo Jubbaland ay diidan yihiin nidaamka wax ka badalka Dastuurka dalka iyo jiheynta doorashooyinka.

Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.