Axad, Luulyo 20, 2025 (HOL) - Ciidamada Mareykanka ayaa tan iyo bilowgii sanadkan 2025 ilaa bartamihii bisha Luulyo fuliyay 51 duqeyn cirka ah gudaha Soomaaliya, taasoo celcelis ahaan ka dhigan laba weerar toddobaadkii.
Duqeymahan ayaa lagu sheegay kuwo ka tarjumaya olole joogto ah oo ka dhan ah argagixisada, iyo sidoo kale ballanqaad istiraatiiji ah oo ku wajahan xasilinta gobolka Geeska Afrika.
Sida lagu sheegay warbixin ay qortay Pearl Matibe oo ah qabiir ka faaloota arrimaha Argixisada oo lagu daabacay bogga defenceWeb, weeraradan waxaa lagu fuliyay iskaashi dhow oo lala yeeshay dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo sida la sheegay muujinaysa in Mareykanka uu horumarinayo qaab cusub oo ku saleysan "difaac hore" oo ixtiraamaya madax-bannaanida Soomaaliya.
Xogta laga helay Taliska AFRICOM ayaa muujinaysa in 32 ka mid ah duqeymahaasi lala beegsaday kooxda ISIS-Somalia, halka 19 kale lagu qaaday al-Shabaab. Isbeddelkan wuxuu muujinayaa in Mareykanka uu hadda si gaar ah u fiiro gaar ah u siinaayo ISIS-Somalia, oo lagu tilmaamay koox sii xoogeysaneysa oo leh hiigsi caalami ah, gaar ahaan gobolka Bari ee Puntland.
AFRICOM ayaa si cad u sheegtay in inta badan duqeymahan lagu fuliyay codsi ka yimid dowladda Soomaaliya, arrintaas oo xoojinaysa sharcinimada howlgalka.
Duqeymadu sidoo kale waxay muujinayaan in Mareykanku uu beddelay istiraatiijiyaddiisa dagaalka ee Soomaaliya, iyadoo la arkayo in weerarrada hadda aad uga bateen waqooyiga bari, gaar ahaan deegaannada u dhow Boosaaso. Tani waxay la xiriirtaa dhaq-dhaqaaqyo amni darro oo looga shakisan yahay ISIS-Somalia inay halkaas ka wado abaabul ciidan iyo saldhigyo sirdoon.
Sidoo kale, xiriirka milatari ee Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa si muuqata u xoogeysanaya, iyadoo Taliyaha AFRICOM, General Michael Langley, uu dhowr jeer kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo saraakiil sare oo Soomaaliyeed si loo dardargeliyo iskaashi ku saleysan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argigixisada.