8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 20, 2025
Dowladda Soomaaliya oo diiday in Itoobiya ay ka qeyb gasho tababar militery oo ka dhacay xeebaha Soomaaliya

Axad, Luulyo 20, 2025 (HOL) - Wasaaradda Gaashandhiga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa diiday in Ciidamada Itoobiya ay qeyb ka noqday dhoolatus tababar militery ah oo ka dhici raba dhowaan xeebaha Soomaaliya, waxaana jirta in Dowladda Itoobiya ay si weyn u daneeneyso inay ka qeyb gasho tababarkaasi.

Intii uu socday shir dhowaan lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Bariga Afrika, Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay dukumentiyo muujinaya in ciidanka badda ee Itoobiya ay doonayaan in ay ka qeyb qaataan tababar militari oo lagu qabanayo xeebaha Soomaaliya. 

Warqadahan oo ay Itoobiya u gudbisay xubnaha shirka ayaa si cad u muujinayay qorshaha ciidamada badda Itoobiya ay uga faa’iideysanayaan fursadaha tababar ee laga fulinayo biyaha Soomaaliya, taasoo noqotay arrin si weyn uga yaabisay dowladda Soomaaliya. 

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalim Fiqi, ayaa si degdeg ah uga falceliyay qorshahan, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay durba gudbisay cabasho rasmi ah. 

"Ma aqbali karno waddan aan bad lahayn in uu ka howlgalo xeebaha dalkeenna, Soomaaliya waxay leedahay madax-bannaani dhuleed, badeed iyo hawadeed, Ka qaybgalka Itoobiya ee tababarradaasi waxa uu si toos ah uga hor imaanayaa xeerarka caalamiga ah iyo qawaaniinta ilaalinta biyaha badda ee qaranka," ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka wuxuu sidoo kale tilmaamay in Itoobiya, oo ah dal dhul-go’an ah (landlocked), uusan sharci ahaan xaq u lahayn in uu si gaar ah uga howlgalo ama uga qeyb qaato tababarro militari oo badeed oo ka socda biyaha dalka kale, gaar ahaan haddii aysan jirin oggolaansho buuxa oo ay bixiso dowladda martida loo yahay taasoo ay Soomaaliya si cad uga diiday. 

Murankan cusub wuxuu kusoo beegmayaa xilli horey loo sheegay in ay jireen wadahadallo iyo is-afgaradyo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya oo la xiriiray iskaashi dhinacyo badan leh, gaar ahaan dhanka amniga iyo ganacsiga, Hase yeeshee, ka qeybgalka tababar militari oo Itoobiya ku yeelato xeebaha Soomaaliya ayaa durba keenay shakiyo cusub oo ku saabsan ujeeddada dhabta ah ee heshiisyadaasi. 

Soomaaliya waxay horey uga digtay in aysan ogolaan doonin in Itoobiya isticmaasho dekedaha dalka ama biyaha Soomaaliya si ay u gaarto badda, iyadoo aan jirin hannaan sharciyeed oo sax ah iyo oggolaansho rasmi ah. 

Dhanka kale, dadka falanqeeya arrimaha gobolka ayaa sheegay in tani ay hoos u dhigi karto xiriirka labada dal, isla markaana ay dib u soo cusboonaysiin karto muranadii siyaasadeed iyo istiraatiijiyadeed ee waayadan dambe taagnaa. 

Inkasta oo Itoobiya ay tahay dal aan lahayn marin bad, haddana sanadihii dambe waxaa ay qaadayay dadaallo la xiriira sidii ay u heli lahayd marin badeed rasmi ah, Itoobiya ayaa horey heshiisyo ula gashay dalal dhowr ah oo ay kamid yihiin Jabuuti iyo Suudaan si ay u adeegsato dekedaha badda.

Dadaalladaas ayaa la rumeysan yahay in ay qeyb ka yihiin istaraatiijiyad ballaaran oo ay Itoobiya ku doonayso inay uga baxdo culayska ay kala kulanto xad la’aanta badda, iyadoo u aragta marin badeedku inuu yahay furaha horumarka dhaqaale iyo amni ee mustaqbalka.