8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 20, 2025
Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay wefti ka socda Golaha Sare ee Dhaqaalaha Carabta iyo Afrika

Axad, Luulyo 20, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti ka socda Golaha Sare ee Dhaqaalaha Carabta iyo Afrika, oo ah gole ka shaqeeya maalgashiga iyo horumarinta.

Axad, Luulyo 20, 2025 (HOL) - Golaha Sare ee Dhaqaalaha Carabta iyo Afrika ayaa ah urur ama madal ay ku bahoobeen maal-qabeeno caalami ah, ganacsato waaweyn iyo maalgashadayaal culus oo ka socda dalal kala duwan. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada weftiga ayaa ka koobnaa 9 xubnood, waxaana hoggaaminayey Madaxweynaha Golaha Dr. Haani Xasan Abu Sayid.

"Kulanka waxa lagaga wada hadlay arrimo muhiim u ah labada dhinac, oo ay ka mid yihiin fursadaha maalgashiga ee yaalla Somaliland, ballaadhinta ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha, iyo ka wada shaqaynta iskaashiga gobolka" ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay madaxtooyada.

Waftiga ayaa sidoo kale soo indho indheeyaan fursadaha maalgashiga iyo kuwa ganacsiga ee Somaliland yaalla, waxayna  kulamo la yeelan doonaan Hay’adaha Xukuumada Somaliland ee ka mas'uulka ah khayraadka dihin, gaar ahaan macdanta, xoolaha nool, kalluumaysiga iyo beeraha

Waxa layska gartay in Golaha Sare ee Dhaqaalaha Carabta iyo Afrika uu xarun ka furto Somaliland, taasi oo la rajaynayo in ay wax wayn ku kordhiso dhaqdhaqaaqa suuqa dhaqaalaha Somaliland.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu weftiga uga mahad naqay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxana uu uga xog-warramay buqcadda istiraatijiga ah ee ay Somaliland ku taallo, amniga iyo xasiloonida ka jirta dalka, dawladnimada la isku hallayn karo iyo hannaanka dimoqraadiga ah ee ka hirgalay Somaliland" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu weftiga u soo jeediyey in ay sahamiyaan meelaha la iska kaashan karo, gaar ahaan dhinacyada khayraadka dabiiciga ah, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta iyo ganacsiga.

"Weftiga  ayaa dhankooda bogaadiyay horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay, waxana ay muujiyeen in ay diyaar u yihiin in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada maalgashiga, ganacsiga, horumarka iyo in si wadajir ah looga faa’idaysto fursadaha horumarka ee yaalla Somaliland" ayaa markale lagu yidhi qoraalka madaxtooyada.

Golahan waxa lagu aasaasay dalka Faransiiska, waxana uu ka diwaan gashan yahay UN-ka, fadhigiisuna waa dalka Boqortooyada Sucuudiga. Booqashada waftigan ayay xukuumadu u aragtaa in uu wax ka tari karo maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha ee ay baryahanba baadigoobka ugu jirtay.