Axad, Luulyo 20, 2025 (HOL) - Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa maanta soo saartay digniin adag oo ku socota ganacsatada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, taasoo la xiriirta la-dagaalanka maalgelinta argagixisada.
Hay’addu waxay shaacisay in ay dabagal iyo baaritaan xooggan ku waddo dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee kooxaha argagixisada, si gaar ahna u beegsanaysa uruurinta baadda ay Al shabaab ugu magac-daraan "Zakawaadka".
Qoraal ay hay’addu soo saartay ayaa lagu caddeeyay in qof kasta oo bixiya lacagaha baadda ah ee loo marsiiyo Al shabaab uu si toos ah ugu lug leeyahay maalgelinta argagixisada, taasoo ah dembi culus oo lagu ciqaabo sharciga dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee ka dhanka ah maalgelinta falalka xagjirnimada.
"Ciddii lagu helo inay bixisay ama fududeysay lacagaha loo yaqaan baadda, waxa laga qaadayaa tallaabo sharci ah oo degdeg ah, iyadoo loo marayo hay’adaha garsoorka iyo amniga," ayaa lagu yiri bayaanka NISA.
NISA waxay si gaar ah ugu baaqday ganacsatada, mulkiilayaasha shirkadaha, iyo dadka leh dakhliga joogtada ah, in aysan u ogolaanin kooxaha argagixisada in ay ku khasbaan bixinta lacagahaas, islamarkaana aysan u arkin waajib diini ah ama arrin caadi ah.
“Zakada waa cibaado Islaami ah, balse kooxaha Khawaarijta ahi waxay si qaldan u adeegsadaan magacaas si ay ugu dhuuntaan lacago sharci-darro ah oo lagu maalgeliyo dagaal iyo dil,” ayaa lagu xusay digniinta.
Sidoo kale, hay’addu waxay shacabka ku dhiirrigelisay in ay la soo xiriiraan laamaha amniga marka ay arkaan ama dareemaan culaysyo dhaqaale oo kaga imaanaya kooxaha argagixisada. Waxaa la sheegay in xog kasta oo la soo gudbiyo loo ilaalinayo si qarsoodi ah, isla markaana ay qeyb weyn ka noqon karto la-dagaalanka argagixisada.