8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 20, 2025
Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay howlgaladii ugu dambeeyay ee dhacay
 

Axad, Luulyo 20, 2025 (HOL) - Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya  Abuukar Macalin ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay qaar ka mid ah gobolada dalka.

Afhayeen Abuukar Macalin ayaa sheegay in ciidamada qaranka iyo geesiyaasha Xaq u dirirka deegaanka howlgalo khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab ka sameeyeen maalmaahii u dambeeyay gobolada Galgaduud, Shabeellaha Hoose, Jubbada Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Wuxuu sheegay in howlgaladaan dhacay maalmahii lasoo dhaafay in lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab oo uu ka mid yahay horjoogaha lagu magacaabo Ibraahim Cabdiraxmaan Sanbuur oo lagu dilay howlgal ka dhacay deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose. 

"Ciidamada Qaranka oo kaashanaya kuwa Xaq u dirirka waxay howlgaladii ugu dambeeyay khasaare xoog leh ku gaarsiiyeen Khawaarijta howlgal ka dhacay deegaanka Xiingaduud oo u dhexeeya Camaara iyo Qodqod waxaa lagu dilay 11 xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta, howlgalku wuxuu dhacay sidii loo qorsheeyay, sidoo kale deegaanada Miido iyo Harboole oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, waxaa lagu dilay Khawaarij badan oo uu ka mid yahay horjooge sare oo lagu magacaabo Ibraahim Cabdi Raxmaan oo loo yaqiinay Sambuur, kaasoo khawaarijta la shaqeynayay tan iyo 2010-kii" ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Abuukar Macalin. 

Ugu dambeyntii Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Abuukar Macalin ayaa si weyn u bogaadiyay guulaha is dabajooga ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka degaaanka howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka.