Isniin, Luulyo 21, 2025 (HOL) - Nin baastoolad ku hubaysan ayaa fiidnimadii Axaddii laba wiil oo dhallinyaro ah ku toogtay suuqa Hargeysa. Ilaa hadda lama oga sababta uu ninku u dilay wiilasha.
Ninka ayaa la sheegay in inta uu rasaas ku furay labada wiil xilli ay suuqa ku cawaynayeen, uu kadibna si degdeg ah goobta uga baxsaday. Ilaa hadda lama hayo, lamana qaban inta la ogyahay.
Labada wiil ee dhibbanayaasha ah, mid ayaa isla goobta ku geeriyooday, halka kan kalena uu dhaawac culus soo gaadhay, kaasoo uu markii dambe u dhintay, sida ay sheegeen dad goob-joogeyaal ah oo la hadlay HOL.
"Meesha oo dhan dhiig ayaa daadsanaa. Waxa la ii sheegay in nin baastoolad ku hubaysani uu dilay laba wiil. Midkood waan aqoonsaday, isku dugsi ayaanu ahaan jirnay," ayuu yidhi Munasar Khadar oo ka mid ah dhallinyarada ku sugnaa agagaarka goobta uu dilku ka dhacay.
Ciidamada booliiska ayaa si degdeg ah u yimid goobta, waxaana socda baadhitaan. Ilaa iyo hadda booliisku kama aysan hadal dhacdadan, balse waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay warbixin kasoo saaraan.
In kasta oo magaalada Hargeysa lagu tilmaamo mid ka mid ah meelaha ugu amniga badan deegaanada Soomaalida, haddana toddobadii bilood ee u dambeeyay waxaa isa soo taray dilalka. Waxaana bilihii u dambeeyay lagu dilay dad dhowr ah gudaha magaalada.
Si kastaba ha ahaatee, ciidamada booliiska ayaa horay ugu guulaystay in ay soo qabtaan dhammaan dadka falalka dilka ah ku eedaysnaa, kuwaasoo qaar ka mid ah lagu fuliyay xukun qisaas ah.