Isniin, Luulyo 21, 2025 (HOL) - Ciidamada difaaca Kenya ayaa xaqiijiyay in saddex askari oo ka tirsan KDF lagu dilay, tiro kalena lagu dhaawacay, kadib markii kolonyadoodii ay la kulmeen qarax miino oo ka dhacay waddada istaraatiijiga ah ee Sankuri-Kiunga ee gobolka Lamu.
Waddadan ayaa si joogto ah u noqotay bartilmaameed ay kooxda al-Shabaab weerarro ka fuliso, iyadoo ay kasoo tallaabtaan xuduudda Soomaaliya oo amni darran ka jirto.
Weerarkan wuxuu kusoo beegmay xilli ay sii kordhayaan falalka amni-darro ee kooxda al-Shabaab ay ka fulinayaan gudaha Kenya iyo Soomaaliya. Bishii May, al-Shabaab waxay weerar ku qaadeen kolonyo boolis ah oo marayay kaynta Boni ee isla Lamu, halkaasoo ay ku dileen shan askari. Todobaadyo kahor, waxay sidoo kale weerareen shaqaale macdan qodaal ah oo ku sugnaa gobolka Mandheera, iyagoo ku dilay shan qof.
Dhacdooyinkan ayaa muujinaya kalsoonida sii kordheysa ee al-Shabaab iyo ballaarinta juqraafiyeed ee howlgalladooda. Khabiirada amniga ayaa ka digaya in tani ay muujinayso dib usoo kabasho istaraatiijiyadeed ee kooxda, iyo sidoo kale daciifnimada gudaha Soomaaliya.
Khabiir ka tirsan King's College London, Ashley Jackson, ayaa sheegtay in weerarada al-Shabaab ee sanadkan ay yihiin "kuwo ka miisaan culus kuwa sanadihii u dambeeyay", iyadoo muujisay in kooxda ay dib u qabsatay deegaanno muhiim ah oo bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ka tirsan. Waxay intaas ku dartay in sida degdegga ah ee ay dowladda u lumisay gacan ku haynta dhulka ay muujinayso nuglaanta dowladnimada iyo fashilka istiraatiijiyadda milateri ee caalamka."
Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo si rasmi ah u beddelay ATMIS 1-dii Janaayo, ayaa la daalaa dhacaya dhaqaale xumo ba’an, isagoo dhaxlay dhimnaan lacageed gaaraya $96 milyan. Waxa uu sidoo kale la tacaalayaa ciidan, diyaarado iyo qalab aad u yar. Waddamada ciidanka geeya, sida Kenya, Uganda, Itoobiya iyo Burundi, ayaa cadaadis saaray Qaramada Midoobay si loo helo maalgelin joogto ah.