Hiiraan Online
8/13/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, July 21, 2025
Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo Xukun Ku Riday 4 Haween ah oo Lagu Eedeeyay Basaasnimo
Isniin, Luulyo 21, 2025 (HOL) - Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Jubbaland ayaa xukun ka soo saartay dacwad ciqaabeed oo loo haystay afar haween ah, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay xog sirdoon ah u gudbin jireen kooxaha Argagixisada ee ka dagaallama gudaha dalka.
Afarta eedeysane oo kala ahaa Nasro Nuur Cusmaan, Xaawo Ibraahim Maxamed, Iqro Faarax Cabdinuur, iyo Maryan Maxamed Aadan ayaa lagu helay inay si joogto ah ula shaqeynayeen kooxaha argagixisada, iyaga oo la wadaagi jiray xogta ciidamada iyo bulshada deegaanka Buuloxaaji, sida ay sheegtay maxkamaddu.
newsinsFadhiga maxkamadda waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim, labadiisa ku xigeen, Xeer-ilaaliyaha Ciidamada, baarayaashii kiiska, iyo qareenka u doodayay eedeysanayaasha.
Kadib doodo socday muddo, iyo qiimeyn lagu sameeyay duruufaha eedeysanayaasha, maxkamaddu waxay xustay in qaar kamid ah gabdhaha aysan qaan gaarin, taas oo saamayn ku yeelatay go’aanka kama dambeysta ah.
Waxaana afartaan gabdhood ay mari doonaan nidaam dhaqancelin ah, Hay’adaha amniga ayaa la faray inay si dhow ula socdaan xaaladooda inta ay ku jiraan barnaamijkaan.
Maxkamaddu waxay sheegtay in xukunkaasi yahay mid lagula tacaalayo fikirka xagjirka ah, iyadoo isla markaana la tixgelinayo da’da, duruufaha nololeed iyo doorka dumarku ku leeyihiin bulshada.
Xukunka lagu riday haweenkan ayaa ah mid tilmaamaya sida dowlad-goboleedka Jubbaland ugu hawlan yahay la dagaallanka fikirka Al-Shabaab iyo ilaalinta amniga bulshada.
Waxaa sidoo kale xukunkaan lagu muujiyay baahida loo qabo wacyigelin ballaaran oo lagu beego bulshada, gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka, si looga hortago marin-habaabinta ay kooxaha xagjirka ah adeegsadaan.