8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 21, 2025
Ciidanka Gaashaan oo Burburiyey Kaydka Qaraxyada Al Shabaab ay Ku Lahaayeen degaanka Dhanaane

Isniin, Luulyo 21, 2025 (HOL) - Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan, oo hoos taga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa xalay fuliyey howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay si buuxda u burburiyeen guri ay Al shabaab u adeegsan jireen kaydinta waxyaabaha qarxa.

Sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga, howlgalka ayaa dhacay kadib markii la dhammeystiray xog sirdoon oo tilmaamaysay in xaruntaasi ay ahayd goob ay Al shabaab ku diyaarinayeen dhagaro iyo weerarro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa tilmaamay in Howlgalka uu si gaar ah loogy bartilmaameedsaday goobtaasi kadib markii la xaqiijiyey inaysan ku sugnayn wax dad rayid ah.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka ku dooneyso in lagu baabi’iyo awoodda iyo saldhigyada Al shabaab ee ku sugan gobollada koonfureed sida lagu yiri bayaan kasoo baxay NISA.

Waxa kale oo xusid mudan in 3-dii Juun ee sanadkan, howlgal kale oo ay isla ciidanka Gaashaan ka fuliyeen deegaanka Dhanaane lagu dilay horjooge sare oo Al-shabaab u qaabilsanaa deegaannada Dhanaane, Jilib Marka, iyo Gandarshe.

Hay’adaha ammaanka ayaa xaqiijiyay in ay sii wadi doonaan howlgalada noocan ah, si loo baabi’iyo khatarta kooxda Al shabaab loona xaqiijiyo amniga shacabka Soomaaliyeed.