8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 21, 2025
Xildhibaanada Mucaaradka oo shaaciyay in natiijo la'aan kusoo dhamaadeen shirarkii u dhaxeeyay madaxweynaha iyo Mucaaradka
 

Isniin, Luulyo 21, 2025 (HOL) - Xildhibaanada mucaaradka ee ku mideysan Golaha Samatabixinta Qaranka ayaa maanta warsaxaafadeed ay soo saareen ku muujiyay walaac xoogan oo ay ka qabaan xaaladda guud ee siyaasadda dalka.

Warsaxafadeedka Xildhibaanada Mucaaradka ah ayaa si gaar ah farta loogu goday hubanti la’aanta siyaasadeed ee kala fogaanshaha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, gaar ahaan maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Xildhibaanada ayaa qoraalkooda ku xusay  in kulamadii u dhexeeyay Madaxweynaha iyo mucaaradka ee soo socday mudada laba bilood ah in aysan wax natiijo ah keenin, taasina ay muujinayso xaalad halis ah oo dalka gelin karta jahwareer siyaasadeed iyo niyad jab bulsho.

"Shirarkii u dhaxeeyay madaxweynaha iyo Mucaaradka, gaar ahaan kii u dambeeyay ee qabsoomay Shalay oo taariiqdu aheyd 20-ka bisha July wuxu kusoo dhamaaday natiijo la'aan iyo raja beel" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Xildhibaanada ku mideysan Golaha Samatabixinta Qaranka. 

Waxaa sidoo kale Warsaxafadeedka lagu sheegay in Xildhibaanada Golaha Samatabixinta ay si weyn uga xun yihiin  hubka ay sheegeen inuu si sharci daro ah kusoo galayo dalka, iyagoona ku baaqay in  badbaadiyo mustaqbalka dalka iyo rajada shacabka Soomaaliyeed.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-