8/13/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 21, 2025
Puntland oo faahfaahin ka bixisay markab laga shakiyay oo lagu arkay xeebaheeda
 

Isniin, Luulyo 21, 2025 (HOL) - Ciidanka Booliska Puntland,  ayaa fuliyay howlgal amni oo lagu baarayay markab laga shakiyay oo kusoo xirtay xeebta degmada Bareeda ee Gobolka Raascasayr.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska Ciidanka Booliiska Puntland ayaa lagu sheegay in markabkaasi si buuxda loo baaray, iyadoo la xaqiijiyey in uusan wadin wax sharci-darro ah, taasoo keentay in si nabad ah loo fasaxo.

Sidoo kale, Ciidanka Booliska waxay  sheegeen inuu socda baaritaan rasmi ah oo qoto dheer oo lagu wado markab dhawaan lagu qabtay xeebaha Gobolka Raascasayr. Booliiska waxay sheegeen Illaa baaritaanku soo dhammaado in aan wax faahfaahin ah laga bixin karin.

Taliyaha Booliska Gobolka Raas-Caseyr, G/sare Mahad Cali Carcar, ayaa shacabka uga digay in ay iska ilaaliyaan wararka been-abuurka ah ee ay faafinayaan kooxo la sheegay inay dano gaar ah wataan.

“Waxaa jira dad raba inay burcad abuur sameeyaan oo dadka badda u diraan, marka waa in aan si wadajir ah uga hortagnaa,” ayuu yiri Taliyuhu. 

Ciidanka Booliska Puntland ayaa sidoo kale wada hawlgallo joogto ah oo lagu xaqiijinayo amniga xeebaha Puntland oo dhan, si looga hortago dhaq-dhaqaaqyada sharci-darrada ah sida tahriibka, ka ganacsiga hubka, iyo suurtagalnimada in kooxaha argagixisada ah – gaar ahaan kooxda Daacish – ay helaan marin u suura geliya taageero ama ka baxsadaan xeebaha.

Booliska Puntland wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan marnaba ogolaan doonin in xeebaha Puntland loo adeegsado ujeeddooyin khatar gelinaya amnigeeda, ayna diyaar u yihiin wax kasta oo looga hortagayo falalka lidka ku ah nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka iyo caalamka.