8/12/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 22, 2025
Madaxweynaha Somaliland oo ku dhawaaqay gurmad abaareed oo degdeg ah kadib abaaro ku dhuftay qaar ka mid ah gobollada

Talaado, Luulyo 22, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo abaareed, isaga oo amray in gurmad degdeg ah laga sameeyo abaaro ku dhuftay qaar ka mid ah gobollada dalka.

Abaaraha oo ka jira guud ahaan Somaliland ayaa si gaar ah u saameeyay gobollada galbeedka ee Awdal iyo Salal, halkaas oo dadka iyo xoolahuba ay khatar ugu jiraan inay u le'daan baad iyo biyo la'aan darteed.

"Waxaan maanta si rasmi ah ugu dhawaaqayaa gurmadka abaaraha heer qaran, oo aynu maanta kula tacaalayno xaaladda sii adkaanaysa. Xukuumad ahaan, waxaanu diyaarinaynaa qorshe wax lagaga qabanayo xaaladdan, waxaana ka mid ah biyo, cunto, daawooyin iyo agabka lagama maarmaanka u ah in la gaadhsiiyo dadka," ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xukuumaddu ay gurmadka ugu horreeya samayn doonto, isla markaana loo baahanyahay in ganacsatada waaweyn ay gargaar lasoo gaadhaan dadkooda tabaaleysan ee la ildaran gaajo iyo oon ay roob-la’aantu sababtay.

Xilli-roobaadkan ayaa noqday kii ugu liitay ee Somaliland soo mara muddo toddoba sanno ah, iyadoo aan la helin roobkii guga ee la filayay. Waqtigaan oo ah xagaagii ayaa la rajaynayay in roobab ay ka da’aan gobollada, balse taa beddelkeed waxa socda dabaylo baad iyo biyaba qalajiyay.

Xaaladda ayaa laga cabsi qabaa inay sii xumaato, maaddaama hay’addii USAID oo xilliyadan oo kale lagu tiirsanaan jiray gabi ahaanba meesha ka baxday, isla markaana ay taagta xukuumaddu aad u yartahay.