Talaado, Luulyo 22, 2025 (HOL) - Booliiska Somaliland ayaa sheegay in aan weli la qaban ninka loo haysto in uu habeenkii Axadda laba dhallinyaro ah ku dilay magaalada Hargeysa, balse ay ku daba jiraan.
Dhallinyarada la dilay oo lagu kala magacaabi jiray Khadar Ibraahim Maxamed, 23 jir ah, iyo Suldaan Axmed Cabdillaahi, 22 jir ah, ayay booliisku sheegeen in baadhitaan lagu hayo kiiskooda, sida uu sheegay Hoggaanka Hawlgalinta Booliiska, Sareeye Guuto Ibraahim Cabdi Xaaji.
“Labada marxuum wuxuu ku toogtay bas ay saarnaayeen, xabbado toos ah oo bastoolad ah, labadaba madaxa ayay kaga dhaceen. Ilaa hadda ciidanku baadhitaan ayey wadaan. Waxaa jira dad loo soo qabqabtay iyo raadad kale oo la daba socdo,” ayuu yidhi Sareeye Guuto Ibraahim.
Wuxuu sidoo kale sheegay in dilku dhacay xilli salaadda Cishaa’i lagu jiro, iyadoo masaajidada lagu jiray, islamarkaana uu ahaa dil qorshaysan taasoo ilaa hadda adkaysay in si rasmi ah loo aqoonsado gacan-ku-dhiiglaha.
“Waxaanu u ballanqaadaynaa dadweynaha in aan si dhakhso ah u soo qaban doono gacan-ku-dhiiglaha. Waxaan ka codsanaynaa in qof kasta oo wax ka og arrintan uu la soo xidhiidho booliiska,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Taliye Ibraahim.
Dadka qaraabada la ah wiilasha la dilay ayaa HOL u sheegay in laga yaabo in dilku ahaa aano, oo looga aargudayay dil uu gaystay qof ay qaraabo yihiin mid ka mid ah wiilasha la beegsaday. Hase yeeshee lama hubo cida dhabta ah ee ka dambeysay falkan.
Suldaan Axmed Cabdillaahi ayaa la dilay isagoo kasoo baxay Jaamacadda The Unity University ee magaalada Hargeysa, isagoo saaxiibkiis Khadar Ibraahim Maxamed la saarnaa bas, kadibna nin afka duubtay ayaa baska soo fuulay oo si toos ah xabbad ugu furay.
Khadar ayaa markiiba isla goobta ku geeriyooday, halka Suldaan uu u geeriyooday dhaawacii ka soo gaadhay markii la gaadhsiiyay isbitaalka. Dilkan ayaa noqday kii ugu foosha xumaa ee dhawaanahan ka dhaca magaalada Hargeysa.